Mucaaridka Jabuuti oo wada olole ay ku sameynayaan Dalad ay mucaaridku yeeshaan
Paris Jan 18,2012(qurbejoog.com)Mucaaridka Jabuuti iyo Qurbejoogooda ayaa maalmihii u danbeeyay waday qorsheyaal ay meel isugu geynayaan damacooda isbedel doonka ah ee dalkaasi loogu soo dabaalayo hanaan dimuqraadiyadeed.
Dhawaan ayay aheyd kolkii dalad ay ku mideysnaayeen mucaaridka Jamhuuriyada Jabuuti ay burburtay kolkii rag siyaasada mudo dheer ku jiray ay la jaanqaadi kari waayeen habka qudha ee dalka looga saari karo nidaamka fashilka ah.
Madaxda axsaabta jabuuti qaarkood ayaa la shir yimi fikir ku saleysan shaqsi shaqsi ku bedel taas oo u cuntami weyday isbedel doonka dhabta ah ee reer Jabuuti oo door bidaya hanaan loo siman yahay oo dalka lagu bedbaadinayo.
Dalada cusub oo rag aqoonyahan iyo dhalinyaro ay ku bahoobeen ayaa waxa ay la bohoobayaan qaar ka mid ah axsaabta dalka ka diiwaan gashan si loo derder geliyo isbedelka siyaasadeed ee Jamhuuriyadu u baahan yahay.
Qurbejooga Jabuuti mucaarid iyo muxaafidba waxa ay il gaadha ku eegayaan sida iyo habka loo dhiso dalada cusub oo aan weli magac yeelan.
Qurbejoog-Paris
contact@somalidiasporanews.com