|

Mucaaridka Jabuuti oo sida fiinta uga qeyliyay hantida dalkooda ee Somaliland loo weeciyay

Ottawa August 03,2012(SDN)-Hogaamiyaha Ururka Isbedelka,Horumarka iyo Dimuqraadiyada Jabuuti Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Candhoole ayaa xogo warbaahintu baahisay oo sawir ka bixinaya lacago xukuumada Jabuuti siiso masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliland ku tilmaamay wax aaney labada ummaddooba aqbeli karin.

Md Candhool oo noo waramay ayaa sheegay in tiraba dhawr sanadood ay mucaaridka Jabuuti ka warhayeen isla markaana shacabka labada dal uga digayeen lunsashada hantida Jabuuti iyo far ugu yeerida Madaxweyne Geelle ee Masuuliyiinta Somaliland.

Md Candhoole waxa uu ka waramay sida Madaxweynaha dalka Jabuuri Ismaciil Cumar Geelle hantida ummadda ugu isticmaalo siyaasiyiinta reer Somaliland.

“Madaxweyne Geelle waxa uu baqdin weyn ka qabaa hirka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ah dal aan la aqoonsan iyo saameynta uu Jabuuti ku yeelan karo”ayuu yiri Md Xuseen Candhoole.

“Sidoo kale maaxweyne Geelle waxa uu sas ka qabaa in mucaaridka Jabuuti iyo mucaaridka Somaliland ay isku xirmaan oo ay wada jir Dimuqraadiyada geeska Africa u daadihiyaan”ayuu mar kale yiri hogaamiyaha ururka Isbedilka iyo Dimuqraadiyada.

Dhawaan ayay aheyd kolkii kooxda Anonymous oo jabsatay xogta macaamiisha Baanka Dahabshiil ay soo bandhigeen lacago ay xukuumada Jabuuti u dirtay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Ciro iyo Afhayeenka Madaxtooyada Md Cabdilaahi Cukuse.

SDN-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed