Mucaaridka Jabuuti iyo xisbiyada Somaliland oo wadahadal u socdo iyo Dawlada Jabuuti oo arinkaa uga Jawaabtay Safiir ay Hargeysa u direyso
Ottawa Aug 11,2015(SDN/QJ)-Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN madaxdeeda qurbejooga iyo laamaha xisbiyada Somaliland ee dunida dacaladeeda ayaa todobaadyadii u danbeeyay waxa dhexmaray xiriir dhidibada loogu aasayo wada shaqeyn dhexmarta labada dhan.
Dalka Canada ayaa ilo wareedyo ku dhaw ergeyga dalada mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole waxa ay noo xaqiijiyeen in mucaaridka Jabuuti iyo axsaabta Somaliland ka wada hadleen sidii la isga kaashan lahaa horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee labada dal.
Mar aanu la xiriirnay ergeyga dalada mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole waxa uu inoo xaqiijiyay in kulamo horu dhac ahi jiraan,
“Wey jirtaa in labada bulsho oo walaala ahi oo labada dhanba degtaahi ay xiriiro horu dhac ah yeesheen, waxaana kulamadu ka dheceen Yurub iyo Woqooyiga America waana guul labada bulshadood u soo hoyatay” ayuu yiri ergeygu.
Ergeyga dalada mucaaridka Jabuuti ee USN waxa uu ka gaabsaday in uu carabaabo madaxda xisbiyada Somaliland ee qurbaha ee ay la kulmeen, waxaanu inoo sheegay in waxa laga wada hadlayaa ay yihiin uun iskaashi dimuqraadiyadeed uun.
“Dalada mucaaridka Jabuuti ee USN waxa ay xiiseynayaan in ay axsaabata siyaasada Somaliland kala hadlaan kana bartaan dhisida hanaanka axsaabta faraha badan iyo guddida doorashooyinka badaxa banaa” ayuu yiri Ergeyga Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole.
Dawlada Jabuuti oo mudaba ka walaacsaneyd dimuqraadiyada uga soo fideysa Somaliland ayaa kolkii ay ka warheshay in Dalada USN ay kulamo la yeesheen axsaabta Somaliland waxa ay Hargeysa u magacawday Safiir.
Arintan ayay xeeldheereyaal ku tilmaameen mid laaga gol leeyahay furfurida is-fahamka mucaaridka Jabuuti iyo Axsaabta Somaliland.
Dawlada Jabuuti ayaa intii Somaliland ay jirtayba ku hawlaneyd sidii ilbaabada caalamka looga xiri lahaa, waana markii u horeysay ee ay wakiil u dirato Hargeysa.
SDN/QJ-Ottawa