Mucaaridka iyo Xukuumadda Ukrain Oo Wada Gaadhay Heshiis Ruushku Ka Shaqeeyey
Kiev:Sep,06,2014(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Ukrain iyo Kooxaha Bariga Dalkaas kaga Kacsan, ayaa wada Gaadhay Heshiis lagu soo afjarayo dagaallo dad badani ku dhinteen oo muddo dheer socday.
Labada dhinac ayaa gaadhay heshiis xabad joojin ah taasoo u muuta in uu dhaqan galay base ahaatee mucaaradka ayaa sheegay inaanay bedelin siyaasadoodii ahayd in ay ka go’aan dalka Ukraine.
Inkabadan 2,600 oo ruux ayaa ku dhimatay tan iyo markii kooxda mucaaradka ah ay weerareen dhowr magaalo oo bariga dalka Ukraine.
Gaashaanbuurta Nato ayaa dhinaca kale ku dhowaaqday in ay diyaar u tahay ciidamo wadamo badan ka kooban inay geyso dalka Ukraine muddo 48-saacadood gudahood ah haddii loo baahdo.
Heshiiska xabad joojinta ah ayaa waxaa ka soo shaqeeyay ururka iskaashiga iyo ammaanka Yurub (OSCE) waxana ururkan uu kor eegayaa dhaqan galka heshiiska oo ka kooban 12 qodob.
Inkastoo xabad joojinta lagu dhowaaqo ayaan haddana weli lama gaadhin heshiis rasmi ah oo labada dhinac ku kalsoonaan karaan.
Heshiiska xabad joojinta ah ayaa lagu saxeexay magaalada Minsk ee Pelarus iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilo ka socday dowlada Ukraine, Russia,mucaaradka iyo ururka OSCE.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wadahadalo ku dhex maray magaalada Minsk toddobaadkii hore madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin iyo Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko.
Ku dhowaaqida heshiiska xabad joojinta ah ayaa waxaa soo dhoweeyay gaashaanburta Nato iyo Jamciyada Qurumaha Midoobay.
SDN/QJ