|

Mucaaridka Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Kulamo Hoose ku Dhamaynaya Xurgufo Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhxex Galay iyo Shirkii Talo qaran Oo Meesha Ka Sii Baxaya

Hargeysa:14-Dec-2013(SDN)-Waxa Meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ka dhacay kulamo ay wada Yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Talada Haysa iyo hoggaanka sare ee Mucaaridka somaliland.

ucid and waddaniSida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay waxa maalmahanba socday isu soo dhawaansho iyo isu tanaasul ay muujinayeen labada dhinac ee mucaaridka iyo xukuu wamadda, waxana la sheegayaa inay si toos ah isu arkeen Guddoomiye Faysal cali waraabe iyo wasiirka arrimaha Dibadda somaliland oo ah oday siyaasadeed oo aan jeclayn in khilaaf soo kala dhex galo xukuumadda iyo mucaaridka.

Sidoo kale waxa jira wada hadalo muddo si hoose u dhex marayey Guddoomiyaha Guurtida oo xukuumadda Metelaya iyo Guddoomiyaha Xisbiga waddani, ahna Guddoomiyaha Wakiillada somaliland oo haatan kulankaas ku metelayey dhinaca mucaaridka.

Mucaaridka somaliland,  gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa isagu intii muddo ahaydba yareeyey dhaleecayntii uu xukuumadda u jeedin jirey, waxana uu haatan u muuqdaa mid ka tanaasulay fikirkii uu shirka talo qaran ku abaabulayey, iyadoo taasina u muuqato dhirbaaxo xukuumaddu la heshay mucaaridka oo markii horeba cuddudooda la saluugsanaa.

Dhinaca Guddoomiyaha xisbiga waddani oo cadaadis kaga yimi dhinaca xukuumadda, ayaa isaguna kulamadaas uu la lahaa Guddoomiye Saleebaan Gaal kaga gaabiyey doorkiisii mucaaridnimo, waxana haatan uu ku soo laabtay heerkiisii hore ee Qunyar socodnimada ahaa, kaas oo uu in badan ku soo caano maalay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed