|

Mucaaridka Dalka Zimbabwe oo Sameeyay Dalad Is bahaysi Si ay Xukunka uga Dhacdasadaan Madaxweynaha 93 Jirka ah

Zimbabwe 07. August 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Mucaaridka ugu weyn dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa sheegey,in Axsaabta mucaridku ay isla qaateen inay sameeyaan Isbahaysi adag si ay wadajir ugu wajahaan Madaxweyne Roberti Mugaabi loolanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi laga qaban doono sanadka 2018-ka.

Mr, Morgan Tsvangirai ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagaga dhawaaqayey isbahaysiga Axsaabta mucaaridku ay samaynayaan oo ay ka soo qaybgaleen kumanaan taageerayaashiisa ah.waxaanuu tilmaamay inay haatan wax waliba suura gal u noqon doonaan haddii ay yihiin Axsaabta Mucaaridka ah.

Mr, Tsvangirai oo isaga dhawr jeer oo hore lagaga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimadda ee dalkaasi laga qabtay ayaa ugu baqay Axsaabta mucaaridka ah inay meel iska dhigaan wixii khlaafaad dhexdooda ah ee hore tamartooda u wiiqay.

M/weyne Mugaabi oo saddex iyo Sagaashan jir ah ahna madaxweynaha u da’da weyn Madaxda Caalamka uguna muddo xukun dheer Talada dalkaasina qabtay 1980-kii  ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka doorashada maaxtinimadda ee dalka laga qaban doono 2018-ka.

Comments are closed