|

Mucaarid Xumada Somaliland Haysataa Waa Nasiib Daro Qaranka Lasoo Deristay.

24 sanadood oo lasoo gardaadinaayey JSL waxay maanta joogtaa meel si weyn loo mahadiyo, waxaa la joogaa xili dadka iyo dalwaduba hamigoodu yahay horumar iyo sidii ay ula tartami lahaayeen wadamada aduunyada ee horumaray  ku darsoo qarankeena yagleelkiisu  wuxuu kasoo unkamay maalintaynu gumaystaha iska saarnay ee 1991 kii wakhtigaasi oo aynu xoriyadeenii dib u helnay  ilaa maantana aduunyadu imana aqoonsana sababtoo ah inagaa xornimadeenii iyo gobanimadeenii iska luminay hadan waxaynu ku jirnaa dedaal  badan oo dhanka ictiraafka ah.

Dhawr iyo labaatankaa sanadood ee Somaliland jirtay  waxay soo martay marxalado kala duwan maanta maalin ay ka wanaagsan tahay lama sheegin lamana arag, sanadihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey xisbiyo qaran oo qaarkood yihiin mucaarid hasa ahaatee ka anbaday dariiqii iyo wadadii mucaaridka qaaday toobiye khaldan, waxaan iswaydiin kartaa nimankaasi odayaasha ah oo qaarkood dalka damac ka leeyihiin sidan ay wax ku wadaan miyey ku u badheedheen mise tolow waa ay garan la,ayihiin sidii ay wax u dhaliili lahaayeen una soo gudbin lahaayeen mucaaridnimadooda.?

Mucaarid xumada maanta  dalka ka jirtaa waa nasiib daro qaranka lasoo deristay  waayo waxaad arkaysaa xisbiyadii mucaaridka sheeganayey  oo bilaa shacbiyad ah  afka keliyana ku lugaynaaya oo aan ilaa maanta la iman wax ajande siyaasadeed ah oo ku aadan mustaqbalkooda iyo hogaamintooda beri, waxaad arkaysaa mucaarid ku baaqaya oo ay kaga dhegtay  doorasho hala qabto iyo  shir qaran halaysugu yimaado  waar tolow miyey riyoonayaan mise waxay joogaan 91 kii shir qaran goormaa lagu yimi .

Somaliland  masoo marin taariikhda mucaaridkaa maanta jira kuwo ka jilicsan oo ka cabasho badan hadana  ka cay xun oo ka aflagaado xun oo ka siyaasad xun, inta ay sidaa kuwadaana waxaa hubaala in kursigu u jiro inta cirku u jiro,  hada waa baratay bulshadii waxaana loo bixiyey  magacyo badan oo dadku u yaqaaniin balse uma qudh qudhsana  ee waa kuwa aad moodo inay doodu u cadahay oo qumanahoodu qoorta ugu jiro.

 

W/Q: Cali Xasan 

Calixasan806@gmail.com

Comments are closed