“mucaaradnimada lama diiddana’e waxa la diiddan yahay Hadallada edeb-darrada ah ee aan carruurta ……..”Wasiir Caddaani
Hargeysa:22-Sep-2013(SDN)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani), ayaa jawaab ka bixiyey Eedihii ay Mucaaradka Somaliland u soo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Hannaankiisa Maamul.
Wasiir Caddaani oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyey Safarkii dheeraa ee dhawaan Madaxweynaha iyo Waftigiisu ku soo mareen Gobollo ka mid ah dalka Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu ahaa safar guul salka ku hayey oo ka duwan qaabka ay mucaaradka u macneeyeen.
Wasiiru-dawluhu waxa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah ku tilmaamay dhagax-dhiggii uu madaxweynuhu ku sameeyey Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu ku macneeyey horumar ballaadhan oo uu madaxweyne siilaanyo Taariikhda u geli doono.
Wasiir Caddaani ayaa ugu horrayn ka hadlay dhaliilaha mucaaradku xukuumadda uu ka tirsan ay u soo jeediyeen, waxana uu xusay isagoo si gaar ah u magacaabay Eng. Faysal inaanu istaahilin in jawaab la siiyo, “Hadduu og yahay xaaladda uu ku jiro askariga Badhan jooga iyo noloshiisa mucaaradku sidan ay u hadlayaan umay hadleen, sida uu maalin walba u leeyahay khal khal baa jira, nabadgelyo-darraa jirta iyo waxa uu maalin walba Faysal cali waraabe ku hadlayo xataa in la xuso oo la dhegaysto ma istaahisho waxa uu maalin walba ku hadlayo, mucaaradnimadana lama diiddana’e waxa la diiddan yahay Hadallada edeb-darrada ah ee aan carruurta yaryari ku hadlin ee cayda ah ee aanu geyin ninna ee ninkasta oo Haybad lihi aanu geyin, marka uu madaxweynaha caayayana umadda reer Somaliland Buu caayayaa.”ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha maaliyaddu.
Dhinaca kale waxa uu wasiir caddaani ka hadlay xeerka horumarinta waddooyinka ee haatan horyaalla Golaha wakiillada Somaliland ee muranka badani ka taagan yahay, waxana uu sheegay inay wasaaradda madaxtooyadu xaq u leedahay inay xeerkan gudbiso, waxana uu yidhi, “Baarlamaanka Somaliland waxa horyaalla xeer madaxtooyadu soo gudbisay oo ay xaq u leedahay, madaxweynuhuna wasiirrada wasaaradaha oo dhan isagaa magacaabay isagaanay hoos yimaaddaan, xeer alla iyo xeerka uu doono madaxweynuhu ee wasaarad kasta ka yimaadda ayey madaxtooyadu gudbin kartaa, ragga u haysta inaanu gudbin karinina waa rag aan adduunyada ku noolayn ama aan wax badan ka aqoon, waayo wasaarad waliba madaxweynaha ayey hoos timaaddaa.”
Wasiirka oo sharraxaad ka bixinaya ujeeddada xeerkan loo samaynayo, ayaa yidhi, “xeerkaasi waxa loogu talo galay waddooyinkaas ay ta ceerigaabo, ta Oodweyne, Ta Balligubadle iyo qaar kale oo badani ayaa in lagu kaabo loogu talo galay, dadweynahana waxa laga rabaa in iyagoo isku duuban ay ka qayb qaataan.”
Mr Caddaani ayaa ugu dambayntii ku andacooday inay lacagtaas cashuurta ah ee haatan madaxtooyadu waddaa haddii uu hirgalo lacagta uu waajibanayo ay toos ugu dhici doonto khasnadda dowladda oo aanay ku dhacaynin gacan kale.
Hadalkan ka soo yeedhay wasiirudawlaha maaliyadda Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib dhaliilo badan oo mucaaradku xukuumadda ugu soo jeediyeen cashuuro xad-dhaaf ah oo madaxtooyadu soo rogtay iyo maamul xumo ay ku sheegeen hoggaanka madaxweyne siilaanyo.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland.
Contact@somalidiasporanews.com