|

Mucaaradka Somaliland Oo sharraxay Kulamo ay Si Goonni Goonni ah Ula Qaateen Guddida Loo Saaray muddo-kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:May,06,2015(SDN/QJ)-Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani, ayaa sharraxaad ka bixiyey Kulamo ayaa Maanta siyaabo kala duwan ula qaateen Guddida Golaha Guurtidu u xilsaaray Kasoo Talo bixinta Muddada Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada loo kordhin doono.

muqmKulamadaas  labada xisbi mucaarid iyo xubnaha Guddida dhexmaray oo ka dhacay Xarunta Guud ee Golaha Guurtida, ayaa ahaa qaar Albaabadu u xidhnaayeen, kuwaas oo siyaabo kala duwan la iskaga xogwaraystay Dareenada Axsaabtu ka qabto Muddo-kodhinta la doonayo in waddanka laga sameeyo.

Ugu horrayn Xisbiga  Mucaaridka ah ah ee Waddani oo isaga xubno tiro badan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Kulankaas uga qaybgaleen, ayaa  warbaahinta uga warramay wixii ay Guddida kala hadleen iyo farriintii ay u dhiibeen Xisbi ahaan.

Xog-hayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo isagu ku Hadlay Afka Xisbiga Waddani ayaa saxaafadda uga warramay wixii labada dhinac ay ka wada Hadleen,

“Annagu dardaarankayagii baanu bixinay iyo waxa ay nala tahay iyo in aanu khilaaf taagnayn ee Maalintaas la cayimay ee Komishanku cayimay oo ay xaq u leeyihiin  la sharciyeeyo oo aan Daqiiqad, Saacad iyo maalintoona lagu darin, annagoo qirayna Golaha Guurtidu kaalinta Qiimaha leh ee nabadgelyo leh ee dibu heshiisiin leh ee  ay kaga jiraan horena ugaga jireen inaanay Maantana gacantooda somaliland ku Burburin.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Dhinaca Kale Xubnihii Xisbiga Ucid shirkaas uga qaybgalay oo Koobnaa, ayaa waxa Afkooda ku Hadlay Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, waxana uu si cad u sheegay inay Guddida Xisbi ahaan ku Adkeeyeen sidii ay xalaal uga dhigi lahaayeen oo u saxeexi lahaayeen Xilliga ay Komishanku cayimeen, waxana uu yidhi,

“waxanu uga sheekaynaya xaalada guud ee siyaasadeenna Dibadda iyo arrimaha Gudaha iyo waxyaabaha ina hortaagan iyo baahida loo qabo in dadka la mideeyo, waxana aanu kusoo gunaanadnay in maanta Maadaama Wakhti la cayimay oo Komishankii Wakhtiyeynta Loo diray uu cayimay in wax laga doodaa aanay jirin oo ay tahay uun arrintaas in la xalaaleeyo, lagu duceeyo, laguna dhaqaaqo. Intaas ka Hadhay Doorashadana wixii qabyo ah la qabyo tiro”

Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaan wada-tashi iyo wakhti badan loo Baahnayn, maadaama  Komishanku shaaciyeen xilliga ay diyaarka ku noqon karaan, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Looma Baahna maanta in shir dambe iyo wada tashi laga gallo arrinta, berigii hore ee wada tashiga la geli jirey wakhtigu ma cayinayn cid kalsooni darro ka muujisay saddexda xisbina ma jirto”

Guddoomiye Faysal, waxa uu tilmaamay inay Guurtida ku adkeeyeen inay Sumcadooda iyo Milgahooda ilaashadaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan wax Bulshada isku soo jiidi kara oo aan kala fogayn karin,

“waxanu ka codsanay iyagoo sharaftooda ilaashanaya magac bay ku leeyihiin caalamka,  somalia iyo somalia waxa is dhaafiyeyna waa Guurtidee inay Magacooda ilaashadaan shacabkana wixii tafaaraaruq keeni kara ka ilaaliyaan wixii midaynayana  ku dhaqaaqaan oo arrinta ku duceeyaan oo  xaaji Cabdi Ku Duceeyo oo Sheekh Khaliil ku duceeyo wixii ay Tirsanayaan ee ay leeyihiin annagaa xaq u lahaynna aanu ka raalligellino, warqadna waanu u dhiibnay labada xisbi Mucaarid qoreen oo intaas aan Kadlayaa ku qornayd.”Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddida Golaha Guurtidu u xilsaaray Kasoo Talo bixinta Muddada Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada loo kordhin Doono, ayaa la filayaa inay Maalinta Berri ah la kulmi doonaan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Komishanka Doorashooyinka, iyagoo intaas wixii ka Dambeeyana Geli doona Ka Baaraandegga Talooyinka  iyo Aaraa’da ay hasytaan si ay usoo saaraan Go’aan Miisaaman oo Bulshada Caalamka iyo Midda Somaliland-ba Qancin kara.

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed