|

Mucaaradka Somaliland oo ciidamo badan keensanaya dibad-baxyada

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Deegaanada Somaliland waxa ka socda abaabulka dibad baxyo waawayn oo ay dhigayaan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, kuwaas oo lagaga soo hor jeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Bixi iyo doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaafta.

Qurbejoog waxay ogaatay in mudaharaadada soo socda ay noqonayaan kuwo ka duwan mudaharaadkii dhacay bishii June horaantiisi iyadoo markan laga dhigayo dhammaan deegaanada Somaliland isla markaana ay dheertahay in xisbiga UCID uu wado abaabul kale oo xoogan oo deegaanka Hargeysa ah gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, arintaas oo la filayo in ay cadaadis xoogan saarto ciidamada booliska oo ay ku adkaanyso xakamaynta dadkaasi.

Arinta muhiimka ah ayaa ah, in mucaaradka Somaliland ay qorsheeyeen ciidamo badan oo ilaalin doona dadka dibad baxyada dhigaya iyo masuuliyiinta xisbiyada kuwaas oo ka hor tagaya tacadiyada boolsika iyo xadhigooda. Arintan ayaa ah mid halisteeda leh oo keeni karta isku dhac toos ah oo dhex mara ciidamada ammaanka iyo ciidamada mcuaaradka, waana 30 sanno kadib markii ugu horaysay ee magaalada Hargeys la isku rasaasayn doono.

Dibad-baxyada ayaa dhacaya 10-ka maalmood ee soo socda inta lagu jiro sida aanu u helnay xogaha.

Dadka wax falanqeeya ayaa ka digaya xaalada amni ee Somaliland oo mugdi galaysa hadii aanay tanaasul samayn xukuumaddu, iyadoo isku dhacyo dehx mara labada hdinac uu keeni karo fawdo ay adagtahay in la xakamayeeo.

Comments are closed