|

Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Naqdiyay Dorashada Ka Dhacday Dalka Jabuuti Kuna Eedayay Madaxwayne Geele Inu Kali Ku Ahaa Dorashadaasi

Jabuti 10.April 2016 (SDN/QJ): -Aqoonyanada Ka Falooda Siyaasadda Africa Iyo Waxgaradka Somalida Iyo Xisbiyada Mucaradka Ee Dalka Jabuuti Oo Naqdiyay Doorashada Ka Dhacay doraad dalka Jabuuti.

Habeen hore Ayay Ahayd Markii Lagu Dhawaaqay Natiidada Doorashada Madaxtinimada Jabuuti Ee Lasheegay Inuu Mar Afaraad Ku Guulaysatay Madaxwayne Geele Oo Isagu Is Doortay.

 

IMG_C23CC3-294524-109E5D-1A645E-875D0C-B7F9C4Hayada Xaququl Insaanka Uu Dooda Dadka Dunida ayaa Ku Eedayay Ismaciil Cumar Geele Inuu Ku waddo Hab Kaligi Talinimo Isla Markana Uu Kali Ku Ahaa Dorashada Ka Dhacday Ismaciil Cumar Geel Markii Dhawaqyo Kale Duwan Ay Kasoo Yedheen Labeenta Dalka Jabuuti Iyo Musharaxiinti Kula Tartamaysay Jagada Madaxtinimada Dalkaasi,

Aqoonyahan Xasan Nuur Oo Ka Mida Dhalinyarada Haldoorka Ee Ku Jiray Dorashada Jabuuti AYaa Ka Waramay Sida ay Udhacday Doorashada jabuuti Kuna Eedayay In Dorashada Uu Afduubnayd Madaxwayne Geele Isla Markaana Ay Iska Cadayd In Uu Geele Ku Naqonayo  Mar Kale Habka Iyo Hanaanka Loo Waday Doorashada ayay Ka Muqatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka hayay 17-sano, waxaa uu xilka la wareegay 1999, waana Madaxweynaha labaad ee uu dalka Jabuuti, tan iyo markii ay xorriyada ka qaateen Faransiiska sanadkii 1977.

 

Balse Mucaaradka ayaa ku eedeeyay in uusan waxba ka qaban xaalada dalka, gaar ahaan shaqo la’aanta jirta Jabuuti, iyadoo warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka uu ku sheegay in 20% dadka Jabuuti ay ku nool yihiin heer saboolnimo ka hooseysa Tan Iyo Intii Uu Hogaanka Uu Hayay Ismaciil Cumar Geele

 

Dhinaca kale Axsaabta Mucaaradka ayaa sheegay inay shir jaraa’id qaban doonaan, kaasoo ay kaga hadlayaan natiijada doorashada, iyadoo markii hore cabashooyin la xidhiidha habka ay u socotay doorashada oo ay tirsanayeen cadaalad darro.

Comments are closed