MSF oo Warbixin ka soo saartay xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee Kenya
Dhadhaab June 17,2012(SDN)-Ha’ada Dhakhaatiirta aan Xuduuda leheyn ayaa warbixin baaxad leh oo ka hadleysa xaalada nololeeed ee ka jirta xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kiinya.
MSF Waxa ay warbixinta ku sheegtay in xaalada ka jirta xerada Dhadhaab ay tahay mid aan la isku haleyn kareyn mudo dheer oo soo socota.
MSF waxa ay intaa ku dartay in inkasta oo haatan la quudiyo hadan waxa mar kasta suurto gala in cuduro iyo macaluuli ka dilaacdo xeryaha.
MSF waxa ay warbixinteeda ku soo jeedisay dhawr arrimood oo wax looga qaban karo xaaladaha ka jira xeryaha.
“Waxa loo baahan yahay in xeryaha la balaariyo,dadkana loo qaado dalalka caalamka” ayaa warbixinta MSF lagu yiri.
Warbixintan ayaa soo baxaysa dhawr maalmood uun ka hor maalinta Qaxootiga aduunka oo ku beegan maalinta Salaasada.
SDN-Dhadhaab
contact@somalidiasporanews.com