Mooshinka Ka Dhanka ah Ra’iisal Wasaare Saacid Oo Lagu Wado In La Qaado Sabtida Berri
Muqdisho:22-Nov-2013 (SDN)-Iyadoo Xubnaha Baarlamaanka Dawladda Federalka Somaliya intooda Badani ay Saxeexeen Mooshin ah in Kalsooni Golaha loo weydiiyo Ra’iisal Wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa, ayaa waxa soo Baxaya Warar Tilmaamaya Xilliga Rasmiga ah ee Mooshinkaasi Golaha Hor iman doono.
Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliya Mahad Axmed, oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xubnaha doonaya in Saacid uu baxo, ayaa lagu wadaa inuu codka qaado, maadaama Jawaari uu ka maqan yahay dalka.
Mooshinka loo Gudbiyey Shirgudoonka ayaa la sheegay inay Saxeexeen ugu yaraan 168 xildhibaan oo dhammaantood ka soo Horjeeda Xukuumaddan uu Hoggaamiye Ra’iisal wasaare Saacid.
Ra’iisul wasaare Saacid, ayaa waxa uu u baahan yahay ugu yaraan codadka 139 xildhibaan oo siiyay kalsoonida, si uu xilka usii hayo, hase yeeshee xisaab ahaan taasi ma muuqato.
Kaliya 107-xildhibaan ayaan saxeexin Mooshinkan dawladda lagu ridayo, waxana muuqata in aqbaliyadda Xildhibaanadu haatan ka soo Horjeedaan, taas oo rajo xumo ku ah Ra’iisal wasaare saacid oo dagaal u galay sidii uu aqlabiyadda Baarlamaanka Gacanta ugu dhigi lahaa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com