Mohamed Farah(MOA) Ayaa Ku Guuleystey Biladda Dahabka ee 10,000 ee Meter.
London-July-4-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku jibaaxeynaa xagaaiyo orodada ee ka socda garoomada kala gedisan ee cariga Ingiriiska oo ah Olympic 2012.
Akhyaartay waxaa si habsami ah u socda shaley iyo maantaba orodada fagaxda ah (sprint) kuwa dhexe iyo kuwa dhaadheer,haddaba orodkii ugu xiisaha badnaa ayaa caawo foodda la isla galey kuwaas oo ah halyeyadii8 iska guranjirey biladaha dahabka ah ee reer Kiiniya iyo itoobiya ayaa waxaa caawa afka u dhigtey halyeyga Soomaaliyeed ee u orda Ingiriiska Mohamed Farah oo loogu yeedho (MOA).
Asxaabtay caawa waxay iskugu timid 10,000 Meter,markii uu orodku bilaabmey 8-dii wareeg ee ugu horeeyey waa la wada socdey wixii intaa ka dambeeyey sheekado waxay isu bedeshey markii reer Itoobiya iyo reer Kiiniya ay bilaabeen iney ku ordaan orod xawaali ah.
Laakiin Maxamed Faarax uma jixin-jixin dhexduu ordayey si uuna isu daalin kuna xisaabtamayey masaafadda ay u jiraan,laakiin sheekadu waxay isbadeshey 4-tii wereeg ee ugu dambeeyey, Maxamadna wuxuu la soo baxay lugihiisii dhaadheera,wareegii ugu dambeeyana oo ah 400-Meter waxay waayeen meel uu Moa jaan iyo cidhib dhigay, waxayna ka war heleen isaga oo calankii Ingiriiska kor u lulaya.
Haddaba saaxiibayaal inaga oo og inuu Maxamd Soomaali dhalad yahay yimidna Ingiriiska isaga oo 8-jir ah kuna yimaadeen qaxootinmo macal faamilkiisa caawana ku guuleystey 10,000 ee Meter waxaa mudan inenu siino xushmad iyo soo dhaweyn.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com