|

Mo Farah oo kiyoo adeeganaya lagu xoomay

Kington Aug 17,2012(SDN)-Orodyahanka Mo Farah oo dhawaan laba biladood oo dahaba ku guuleystay ciyaarihii Olympiga ee London 2012 ayaa kolkii u horeysay lagu arkay suuqyada xaafada Kingston ee uu ku nool yahay.

Mo Farah oo xaaskiisa la socda ayaa waxa ku soo xoomay dhamaan dadkii suuqa ka adeeganayay oo markii danbana ay noqotay in Policeka loo yeero.

Dadka ayaa si weyn u doonayay in ay la hadlaan ama isla sawiraan orodyahanka dhawaanta ku guuleystay tartamadii 10ka kun iyo sta kun ee Olympiga.

Mo Farah ayay dadka ku xoomay ku amaaneen in uu yahay ruux shaqsiyad wanaagsan oo gidi dadkii ku soo xoomay ku qanciyay in uu isla sawiro ama uu uga jawaabo suaalihii ay qabeen.

Mo Farah ayaa guushiisu waxa ay sare u qaaday dhamaan dadka Soomaalida ee ku nool dalka Britain iyo geeska Afrikaba.

SDN-Kingston

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed