|

Mishiinka Kelyaha Sifeeya ee cusbatalka Hargeysa oo wadamada deriska looga yimaado iyo codsi wasiirka Caafimaadku u jeediyay bulshada

Hargeysa 28, July 2012 (SDN)- Guddiga cusbatalka guud ee Hargaysa, ayaa maanta ka xog-waramay adeegyada mashiinka Kelyaha sifeeya, kaasoo ay sheegeen in looga yimaado wadamada deriska la ah Somaliland.

Agaasimaha cusbatalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo hadal ka jeediyay shirjaraa’id oo ay guddiga Caafimaadku ku qabteen xafiiskooda, waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada warbixin ay guddigu soo diyaarisay iyo sababta loogu gudbinayo bulshada, taasoo xusay inay la xidhiidho si taageero loogu raadinayo bukaanada xanuunada Kelyaha qaba ee u baahan adeeg caafimaad.

Axmed Cumar Askar waxa uu munaasabadaas ka sheegay in helitaanka ama isku-daawaynta mashiinka Kelyaha sifeeyaa ay tahay arrin ku adag dadweynaha dunida saddexaad, waxaanu ku baaqay in hadii la doonayo in hawsha mashiinka la sii horumariyo ama la joogteeyo ay lama-huraan tahay in taageero loo helo, kayd dhaqaalena loo sameeyo si loogu ilaaliyo mashiinka mustaqbalka soo socda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wacyigelinta bulshadu ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso sida loogu dhiirin lahaa inay bulshadu taageero u huraan mashiinka, si loogu badbaadiyo bulshada reer Somaliland ee la tacaalaysa xanuunada Kelyaha asiiba.

Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed(Xoog) oo goobjoog ka ahaa kulankaas, waxa uu codsi u jeediyey bulshada reer Somaliland oo uu ugu baaqay inay gacan ka geystaan barnaamijka daryeelka mashiinka sifaynta Kelyaha oo uu xusay in baahi wayn loo qabay hirgelintiisa.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed