|

Minnesota: Askari Caddaan ah oo Dilay Nin Madawga Maraykanka ka Mid ah Iyo Kacdoonada ka dhalan kara

Minnesota  07.July 2016 (SDN/QJ):- Askari boolis ah ayaa si arxan darro ah u diley nin madow Mareykan ah xilli uu gaadhigiisa ku safrayay gudaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

 

Gabadh la Socotay ninka la dilay iyo qoyska dhibbanaha, ayaa warbaahinta gudaha Maraykanka u sheegay in Philando Castile, uu ahaa 32 jir, ahaana shaqaale iskuul.

 

Haweeney iyo ilmo 7 sana jir ahaa oo gaadhiga la saarnaaa ninkan la dilay ayaa loo kaxeeyay saldhigga booliska.

 

Video la soo dhigay baraha bulshada ay ku kulanto ee online-ka oo uu dil ka muuqdey, ayay boolisku xaqiijinin in ay aheyd dhacdadii lagu dilay Castile.

 

Muuqaalka, ayaa waxa uu ku billaabanayaa dhibbanaha oo dhiig ka qubanayo, islamarkaasina fadhiya kursiga gaadhigi uu la socdey.

Warar ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu uu ninkan joojiyay, kadib markii uu ku eedeeyay sharci jabin xagga gawaadhi wadista ah.

 

Waaxda booliska St. Anthony, Minnesota, oo iyadu maamusha deegaanka Falcon Heights oo ah halkii uu dilka ka dhacay, ayaa waxay baahisey warbixin ay ku sheegtey in booliskii dilka geystay su’aalo la weydiinaayo.

 

Waxay waaxdu sidoo kale sheegtay in askariga la siiyay fasax shaqo inta ay socoto baadhista, markaas oo uu mushaarkiisu uu weli u socon doono.

 

Sidoo kale Gobolka Lusitania ayaa lagu toogtay mid ka mid ah Dadka asalkoodu Africa ka soo Jeedo ee dalka Maraykanka kaas oo ay dileen Boolis Cadaan ahi dilkiisa ka danbeeyeen.

Dilalka Maraykanka Madow ayaa soo noqnoqday tan iyo Kal hore isla markaana abuurtay Kacdoono xoogan oo ay sameeyeen dadka Madawga ahi Iyagoo Cadaalad daro ka tirsanaya hab dhaqanka ay Kula Kacaan Boolisku Dhallinyarada Madawga ah.

Comments are closed