Minnesota: 39 Sanadood Oo Xadhig Ah Oo Lagu Xukumay Nin Maraykan Ah Oo Rasaaseeyay Dad Ay Soomaali Ku Jirtay
Minnesota 16. June 2017 (SDN/QJ):- Anthony Sawina, ayaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah, kadib markii uu rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo u socday Masjid.
Rasaastii gaadhiga lagu furay ayaa waxaa ay dhaawacday laba ruux oo gaadhiga saarnaa, waxaana toogashadaasi muslimiin badan ay ku sheegeen in ay tahay fal nacayb ah.
Falka toogashada ah waxaa uu ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka 29-ka bishii June ee sanadkii 2016.
11 bishii May maxkamadda Hennepin County District Court, ayaa diiday in eedeysanaha uu is difaaco, waxaana maxkamadda ay sheegtay in falka uu geystay ku cad-yahay.
“Caddeymaha ayaa muujinaya in Sawina, uu fuliyay falka naxdinta leh”, sidaasi waxaa sheegay xeer ilaaliye Mike Freeman.
Soomaali badan oo ku nool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay falkaasi uu Anthony Sawina, ku rasaaseeyay Soomaalidii ku sii jeeday masjid-ka.
“Sawina, iyo koox saaxiibo ay yihiin ayaa saacadda marka ay aheyd 2:30 habeennimo ee bishii June 29 ee sanadkii 2016, waxaa ay arkeen shan Soomaali ah oo uu ku jiro wiil soomaali ah oo xidhan dharka dhaqanka (Soomaali), kuna sii jeeday Masjid si ay taraawiix u soo tukadaan, kadibna waxaa uu ku furay rasaas”, sidaasi waxaa maxkamadda ka sheegay goob-joogayaal.