Minneapolis oo yeelatay xildhibaankii u horeeyay oo Soomaali ah
Minneapolis Nov 07,2013(SDN)-Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay noqotay magaaladii u horeeysay ee yeelata xildhibaan Soomaali ah ka dib kolkii Cabdi Warsame uu ku guulestay degaanka Ward 6.
Xildhibaan Cabdi Warsame ayaa ku guuleystay 64 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay degaansi ee xulashada hore 40% xulashada labaad iyo xulashada sadexaad oo uu helay boqolkiiba 20.
Warsame ayaa kolkuu hantiyay xulashada xildhibaanada ka dib waxa uu galay olole miro dhalay oo uu xudun uga dhigay wax ka qabashada bulshada ku nool aaga ward 5.
Intaanu Cabdi warsame gelin loolanka siyaasadeedna waxa uu ahaa madaxa ururu u dooda xuquuqda dadka degen sarha Riverside oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 4000 oo ruux.
Soomaalida ayuu si gaara ah baahiyahooda il gaar ah ugu egi doonaa waxaanu diirada saari doonaa xildhibaan Warsame baahiyaha Shaqaaleynta,wadooyinka,guriyeynta iyo in dhalinta loo helo cid ku deyasho mudan oo gacan qabata.
“Waxaanu la nimi qorshe haboon,waxaananu heysanay dad noo tabarucay waqtigooda,intaa waxa noo raacay fariimo wax qabad oo isu keenayay Codbixiyeyaasha Ward 6″ayuu yiri xildhibaan Warsame.
Xildhibaanka ayaa siyaasada si buuxda ugu xuub siibtay 2011kii mar uu olole doorasho ka taakuleynayay Maxamed Nuur oo xildhibaanimo u tartamay 2011kii
Xildhibaan Cabdi Warsame oo ku dhashay Soomaaliya ayaa kiyoo yar London u guuray halkaasoo markii danbena uu ku qaatay shahaadada Masterka ee culuunta Ganacsiga caalemiga ah.
Xildhibaanka waxa xilka kula tartamay Soomaali kale oo ilaa sadex ruux gaaraya.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com