Mingiste Siyaasi mucaaridnimo ku can baxay oo haatana bilaabay in uu Guulwadeyn wax uga doono Xukuumada Siilaanyo
Hargeysa Mar 24,2014(SDN)-Siyaasiga Cabdi Maxamed Saleebaan oo Mingiste oo hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID ayaa war uu shaaciyay ku weeraray xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wada Tashiga qaranka.
Mingiste ayaa sidoo kale amaan kula dul kufay Xukuumada Somaliland oo uu mudooyin faro badan mucaarid xag jiro ku ahaa,qoraalka Mingiste ayaa sidan u dhignaa:
“Ugu horeyn waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo iyo bogaadin ugu diro Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo),waftigii balaadhnaa ee uu hogaamiyey iyo guud ahaan Xukuumada,anigoo uga hambalyeynaya Safarkii dheeraa, taariikhiga ahaa ee ay ku soo mareen inta badan Gobolada Somaliland.
Waxaa xaqiiqo ah in Madaxweynaha iyo waftigiisu gaadheen dhul iyo shacab aan weligood hore Madaxweyne u booqan.Waxaa xaqiiqo ah in Safarka Madaxweynuhu uu kor u qaaday dareenka Shacabka reer Somaliland , kana nexeen cadowga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.Waa hubaal in uu ahaa Safar dheer oo adag marka la eego wadooyinka iyo Cimilaada la marayey. Intii wax ku noqotayna waxaan Illahay uga baryeynaa naxariis iyo caafimaad.
Hambalyada ka dib waxaa jecelahay in aan halka si kooban uga hadlo dhowr arimood oo kala ah :-
Waxqabad :-
1. Waxaan si cad uga markhaati kacayaa in Xukuumada talada dalka haysaa ay mudo kooban dalka ka qabatay « wax qabad la taaban karo »,cidkasta oo muwaadin ahi ay indhahooda ku arki karaan.Runtii ma aha wax qabad la qarin karo,lana dafiri karo,sida Wadooyinka — dhismayaasha Dowlada iyo guud ahaan adeega Bulshada.
Mucaaridka :-
2. Waxaa xaqiiqo ah in maanta Mucaaridka Somaliland ka jiraa uu yahay mid Mucaarid ku ah « Qaranimada Somaliland »,waa Mucaarid ay iskaga qaldan tahay,Qarannimada Somaliland iyo danta gaar ah ee ay leeyihiin.Waxaa muhiim ah in Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba aanay dhegaysan erayada xanafta leh ee maalin kasta ka soo baxaya Xafiisyada Mucaaridka Somaliland. Waxaa hubaal ah in Xisbiyada Macaaridka Somaliland ay jiidhay Wadada Ceerigaabo.
Kooxda la baxday Madasha Wada tashiga :-
3. Waxaan qabaa in kooxda la baxday Madasha- wada tashiga,aanay meelna kaga jirin Shuruucda lagu hago Qaranka Somaliland,wixii aan ku jiran Shuruucda Qaranka Somaliland –na waa Sharci daro,mana aha in waqti badan iyo juhdi badan la geliyo.Waxaa xaqiiqo ah in « Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu dhowaan ku maray inta badan Gobolada Somaliland ,uu meesha ka saarayo hadaladii ay Kooxda Madasha –wada tashigu ay Saxaafada ku soo qori jireen.
Qurba-jooga reer Somaliland :-
4. Waxaan ugu baaqayaa Qurba jooga reer Somaliland meelkasta oo ay Dunida ka joogaan ,in ay ka qayb qaataan horumarka iyo dib u dhiska kala duwan ee ka socda dalka Somaliland,meelna ugu soo wada jeestaan cid kasta oo ka soo horjeeda Qarannimada iyo midnimada Shacabka Somaliland. »
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayihii hore ee Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID.