Milicsiga Khudbaddii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyey Shirkii Talo Qaran ee ay Ucid Wada Daadihiyeen iyo Dhaliilihii uu Dusha ka Saaray Madaxweyne Rayaale+ Hannaankii uu Shirkaas u Xalaaleeyey Kanna u Xaaraantimeeyey
Hargeysa:Nov-23-2013(SDN)-Xaraaradda iyo Khilaafka ku Saabsan Shirka Talo Qaran ee Axsaabta Mucaaridka ahi Ku Baaqeen ayaa Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Sii Xoogaysanaya, iyadoo Uu Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumaddiisuba Diyaar u yihiin inay Nafta dul Dhigaan sidii shirkaasi u baaqan lahaa.
Shirweynaha Talo oo markii Hore kasoo mudh Baxay Maskaxda Madasha Wada-tashaiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa sii Xoogaystay markii ay axsaabta mucaaridka ahi la wareegeen maamulkiisa iyo Hirgelintiisa, maadaama xukuumaddu Madasha ku tilmaantay Hay’ad Sharcidarro ah.
Haddaba Mar Haddii ay Taariikhdu is Qorto oo aanay Been Sheegin, waxa aanu Maanta Akhristayaashayada Halkan ugu Haynaa Weedho kooban oo ka mid Khudba uu Madaxweyne Siilaanyo uu ka jeediyey Shirkii Talo qaran ee 2006-dii ay ku qabteen Hutel Obama ee Magaalada Hargeysa isagoo Xilligaa ahaa Guddoomiyaha Kulmiye.
Guddoomihii hore ee Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo oo ugu Horrayn Shirkaas uu ku soo Dhaweeyey Maxamed Cismaan Fadal oo haatan iyo Markaaba ahaa Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Shirka talo qaran, ayaa Khudbaddiisa ku Bilaabay Hadallo uu si Dadban Bannaanka ugu keenayo dhaliilo iyo Guuldarrooyin ay lahayd Xukuumaddii xilligaas jirtey ee uu gadhwadeenka ka ahaa madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, isagoo marka Hore Hadalkiisa u badiyeyDhinaca Siyaasadda Arrimaha Dibadda, “Rajadii aynu qabnay inagoo muddo 15-sano ah madaxtinimo ah u soo dagaalamaynay inay madaxbannaanideena dunidu inaga aqbasho oo dimuqraadiyad iyo wada jir samaysano, hawl kasta oo aynu u galnay haddana nasiib darro sida aynu ka wda qabno ma jiro wax horumar ah oo ka muuqday ama ka dhashay hawgalladii badnaa ee aynu samaynay oo qaddiyaddeeni waxaas oo shir ahaa ay diideen in laga hadlo.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo Markaa ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye.
Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye Haatanna ah Madaxweynaha Somaliland, ayaa isagoo Hadalkiisa sii Wata sharaxaad ka Bixiyey Turaan-turrooyin taxane ah somaliland lagu Hagadaamaynayey, balse Eebbe Dhaafiyey, isagoo carrabka ku adkeeyey taariikhdii soo jireenka ahayd ee somaliland ku soo caano maashay ee ahayd in talada shacabka aan la ilduufin oo la dhegaysto, taas oo uu haatan carrabkiisa ka ilaaliyo, “iyadoo dhacdooyinki aynu ka wada warqabnay ina soo wada mareen oo dad ajaanib ah dalkeena lagu laaayo oo la ina qarxiyo si doorashooyinkeena loo joojiyo oo nabadgelyadeena wax la yeelo, intaas oo dhan ilaahay wuu inaga samato bixiyey, waxase mudan in la soo qaato dhibaatooyinkaas ina soo maray qaarkood mar walba cidda ka hawl gashaa waxa ay ahaayeen shacabweynaha reer somaliland meel kasta oo ay joogaan” ayuu yidhi, waxana uu intaas ku daray, “Iyadoo intaas oo dhibaato oo inagu xeeran yihiin, waxay ahayd oo umaddani ku wada socon jirtey wada-tashi, waxana maslaxadeeddu ku jirtey Aqoon is weydaarsi, waxa maslaxadeedu ku jirtaa inaynu wax iska weeydiino maxaa Danta umaddu ku jirtaa.”
Waxa uu madaxweyne Siilaanyo xilligaa ku Hiiraamay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin wax Badan oo maanta Xukuumaddan lagaga cabanayo oo ay ugu Horrayso inaan la Arag natiijada ka dhalato Safaradda Madaxdeennu Dibadda ugu Baxaan iyo Erayada shacabka maanka loogu tuurayo ee loogu sheegayo Guul aan halkaas lala Dhaafin, waxana uu yidhi, isagoo arrintaas ka Hadlaya, “Ilaah Baan idinku dhaarshaye Maamulkaa Maanta Halkaa ka Dhisani(Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale) waxaa maanta mandiqadda ka dhacaya maalin walba Safar Buu Baxaa, waana Yimaaddaa, wax walba waa soo Guulaysanay Mooyee eray labaad oo raacaa ma jiro, Guushiina maba aragno oo dib uma aragno, erayga afkiisa ka soo baxaana ugu dambeeya.”
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu shirkaas ka sheegay Hadal uu maanta Neceb yahay in Dhegahiisu Maqlaan oo la Xidhiidhay in Loo Baahan yahay in waxgaradka iyo Labeenta Shacabka marka Duruufo jiraan loo Baahan yahay lala Tashado oo Arrimaha qaar wax laga weydiiyo, isagoo waliba si gaar ah maalintaas Carrabka ugu adkaynayey in Haldoorka umadda, Golayaasha qaranka iyo Axsaabtaba wax la Weydiiyo oo uu madaxweynuhu arrintaas qaato oo ku dhaqmo, waxana uu yidhi, “Waxanu filaynay oo waajib ku ah in shirarka Noocan ah Wax garadka, Culimaa’udiinka ,salaadiinta, wax garadka, aqoonyahanka, Axsaabta iyo dadku meel iskugu yimaaddo oo Talooyin la iskugu yimaaddo oo marka arrimaha culculus ee Noocan ahi jiraan in talooyin la iskugu yimaaddo ilayn dalku dawlad buu leeyahay oo madaxweynuu leeyahay inuu isagu ku dhawaaqo oo umadda isu keeno oo intaynu Golayaasha, culimaa’udiinka iyo Axsaabta u warramo oo xaqiiqda taalla iyo ciddii Been inoo sheegtay inooga warramo oo yidhaahdo dabadeed talo soo Jeediya.”
Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, waxa uu Maalintaas si Kulul oo qaawan u weeraray Madaxweynihii talada Hayey ee Daahir Rayaale, isagoo si Cad ugu sheegay in Xukunka aanu keligii lahayn oo uu umad u hayo, isaguna kaliya xaq u leeyahay fulinta hawlaha xukuumaddiisa, waana Odhaaho aanu Maanta Madaxweyne Siilaanyo Jeclayn, “Waxa uu ka Hadlay Xukunkaa La Doonayaa in la ila Qaybsado, waar xukunka waa lagula leeyahay oo waa lagula qaybsanayaa, waayo qarankaa leh, Talada waa la wada Leeyahay Markay Fulin Tahayna cidi kuugu iman mayso oo waa shaqada Xukuumadda, taana cidi kuguma haysato oo kuugu iman mayso laakiin Talada iyo Maskaxda waa Lagula Leeyahay oo waxa kula leh Dadka intiisa kale oo dhan.”
Khudbadaas uu shirkaas talo qaran ka jeediyey Madaxweyne Siilaanyo Sannadkii 2006-dii, ayaa Waxa Xalay Sii Daayey Telefishanka Horn Cable Tv, waxana uu Hadalkani Dad Badan xasuusiyey Ayaamo Tegay iyo Waliba sida aanu Qofka Siyaasiga ahi Marnaba u ogolayn waxa aan Dantiisa ahayn, islamarkaana uu mar walba ninka Xukunka Hayaa u diidan yahay wixii uu shalay Ku doodayey ee uu ku Ololaynayey.
Khudbaddan ayaa madaxweyne Siilaanyo ku ah Caqabad weyn oo aanu dhaafi karin, waxana ay haatan Axsaabta Mucaaridka ahi ku Andacoonayaan inuu ka aqbalo Shirka ay wadaan, maadaama uu madaxweynuhuba shalay markii uu mucaaridka ahaa soo qabtay shir kan oo kale ah, balse Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu mar Horeba sheegay inaanay Xukuumaddiisu aqbali karin shirka Mucaaridka waddo.
Haddaba su’aashu waxa ay tahay in la isku Yimaaddo oo wax la is weydiiyo, kaliya ma waxa U Jeellan cidda Hadba Xukunka Dibadda Ka Joogta, mise waa Arrin aanu jeclayn Cidda Hoggaanka Gacanta ku hayso oo aaminsan in wada-tashigu yahay Tallaabo si Dadban Hoos Loogu Dhigayo Kartidooda iyo Awooddoodda Hoggaamineed.?
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com