|

Milicsiga Hal-adagii Marxuun Cigaal Ee Jabuuti Iyo Ka Maaran La’aanta Xukuumadda Maanta DAAWO

Hargaysa 20.March 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynihii horre ee Somaliland alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa u duur xulay jabuuti inaanay Somaliland macno wayn ugu fadhiyin, hadalkan ayaa madaxweynaha ka yimi xilli dawladda Jabuuti soo eryaday safiirkii u fadhiyay Somaliland dalka Jabuuti.

cigaalAlle ha u naxariistii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo arrinta ka xanaaqsan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha, waxaan hadalkiisii ka mid ahaa “Beribaa kaneeco fuushay Maroodi, ka dib markii ay ka sii duulaysay Maroodiga ayay u sheegtay maroodigii inuu is xejiyo oo ay ka duulayso. Macnaha Maroodi muxuu ka ogyahay kaneeco fuushan hadday duusho iyo hadday saarnaataba.”Ayuu yidhi alle ha u naxariiste Madaxweyne Cigaal.
Wakhtiyadaasi mar kale dawladda Jabuuti waxa ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland waxaanu Marxuum Madaxweyne Cigaal kaga jawaabay mar ay BBC-du waraysatay sidan: “Haddii ay xadka xidheen annana waxaanu xidhnay badda iyo cirkaba”. Waxa ay ahayd go’aamo geesinimo oo aan habrasho lahayn.
Markii uu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday xidhiidhka labada waddan oo aad u xumaa waxa ay xukuumadda Jabuuti soo dirtay wafti doonayay in ay ka qayb galaan aaska Marxuum Cigaal balse waxa hawada ka celiyay diyaaraddaasi oo diiday in ay waftigaasi dalka soo galaan Madaxweyne Rayaale oo xilka uga dambeeyey Marxuum Cigaal. Siyaasadda Jabuuti ee Somaliland ku aaddani kadib xukunkii Xasan Guuleed, waabu ka sii daray oo Ismaaciil Cumar Geelle mudada uu xilka hayay waxa uu Somaliland kula dhaqmaa laba wajiilayn iyada oo Somaliland aanay wali lahayn istaraatiijiyad cad oo ay ku qaabilayso xidhiidhka dalkasi Jabuuti.

Dhinaca kale, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku dhul dhigta maamulka ka jira dalka Jabuuti, isla markaana ilaaliya sharafta iyo karaamadda xukuumadda duulaanka ku ah jiritaanka Qarannimadda Somaliland iyadoo xilligan ay ku sugan yihiin wasiiro ka mid ah xukuumadda Somaliland, isla markaana wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ay dagaalkii dardaradda ahaa ee Jabuuti ku soo qaaday dalkeenna lagu tilmaamay wax aan micno badan lahayn, xilli dawladda jabuuti sheegtay in dagaalka ay ku baacsanaysay maleeshiyo ku sugnaa xeebaha Somalia.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka furanayo xafiisyo olole u galla murashaxnimadiisa iyo soo rogaalcelintiisa Jagadda Madaxtinimo ee dalka Jabuuti.

Comments are closed