Mileteriga Ciraaq oo Weerar Xoogan ku qaadaya Magaaladda Talacfar si ay uga Xoreeyaan Xoogaga Daacish
Baghdad 23. August 2017 (SDN/QJ):- Saraakiisha mulatariga ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ay weerar xoogan ku qaadeen magaalada Talacfar isla markaana ay kaga qabsadeen ciidamada Daacishka ilaa shan degmo oo ku gadaaman Magaaladaasi, oo ay hore u haysteen Daacishku ilaa 2014kii.
Janaraal Cabdalla Amiir Rashiid, oo hogaaminaya dagaalka lagu qaaday Talacfar ayaa xaqiijiyey in magaaladaasi ay galiyeen godoon dhinac kasta ah, iyadoo laga helayo taakulayn dhinaca cirka ah isbahaysiga mulatari ee maraykanku hogaaminayo isagoo ku tilmaamay magaaladaasi goobtii ugu dembaysay ee laga xoreeyo ciidamada Daacishka.
Dhinaca kale, xoghayaha difaaca ee dalka maraykanka Mr: James Mattiss ayaa shalay Subax booqasho aan hore loo shaacin ku tagay caasimada dalkaasi ee Baqdaad, iyadoo booqashadiisu la xidhiidho habka loo xoraynayo Talacfar iyadoon dadka Shicibka ah aan wax dhibaato ah la gaadhsiin.