|

Milateriga Burkina Faso oo Afgebmiyay Dowladda, Iyo Quusta ka Taagan Soo Celinta Nidaamka Dimuquraadiyadeed ee dalkaas

Burkina Faso 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Meleteriga Burkina Faso ayaa sheegay Khamiistii inay kala direen dowladdii uu soo dhisay madaxweynihi KMG ahaa ee dalkaasi Mr. Michel Kafando , ayna awoodda ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan,wax ka yar bil xilli la rajeynayay inay ka dhacaan dalkaasi doorasha qorshaheedu ahaa in lagu soo celiyo dmuqraaddiyaddii waddanka ku yaalla galbeedka Afrika.

F76ECB23-F2F0-48B9-B4AA-F0989B9A0FFB_w640_r1_sHoggaamiyaasha afgebmiga sameeyay ee Burkino Faso, ayaa u magacaabay Jeneraal Gilbert Diendere oo ka mid ahaa ciidamadii madaxtooyada in uu madax u noqdo gole KMG ah, sida ay xubnahaasi ku sheegeen war ay soo saareen, oo laga sii daayay Telefeshanka afka dowlada ku hadlay Khamiisti.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay xiran yihiin xadka dalkaasi ee cir iyo dhulba, si loo dhaqan geliyo bandow ay habeenkii ku soo rogeen kooxdaasi waddanka oo idil.

Burkina Faso ayaa qalalaase gashay Arbacadii kadib markii blaiseafp_2399653cilaaliye ka tirsan Jamhuuriga muddo dheerna tiir u ahaa maamulkii Madaxweyne Blaise Compaore uu xirey Kafando, Reysal wasaare Yacouba Isaac Zida iyo laba wasiir.

Ilaaliyahan madaxtooyo ee awoodda badan ayaa siyaasad dhexda ka galay tan iyo markii Compaore xilka laga tuurey bishii October ee sanadkii tagay.

Gudoomiyaha baarlamaanka, ayaa ugu baaqay milatariga inay faragalin ku sameeyaan, si ay u joojiyaan sida uu sheegay talaabada ay qaadeen koox yar oo ka tirsan milatariga oo dowladda riday.

Comments are closed