|

Miisaaniyad-sannadkeeda 2012 oo u gudubtay golaha Wakiilada iyo mudaneyaasha oo lagu wargeliyay xilliga uu wasiirka Maaliyaddu hor iman doono

Hargeysa 03, March 2012 (Qurbejoog.com)- Odoraska miisaaniyad-sannadeedka 2012-2013 ee Somaliland, ayaa maanta loo qaybiyay mudaneyaasha golaha Wakiilada, si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo hadal kooban ka jeediyay fadhigii maanta ka dib markii mudaneyaasha loo qaybiyay nuqulada buugga odoraska Miisaaniyad-sannadkeeda dawladda ee 2012, waxa uu sheegay in Isniinta soo socota uu golaha hor iman doono wasiirka Maaliyaddu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, si uu faahfaahin uga bixiyo, waxna looga waydiiyo miisaaniyadda iyo sida loogu kala qorsheeyay hay’addaha dawladda iyo wax-ka-qabashada adeegyada bulshada.

Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro uu guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ku amray inay muddo todobaad gudihii ah ku soo dersaan miisaaniyadda, tallooyinkoodana ku soo celiyaan, si markaa ka dib goluhu waajibaadkiisa uga guto, ugana doodo miisaaniyadda qaranka.

Miisaaniyadda dawladda ee 2012 oo dhowaan golaha Wasiiradu ansixiyeen, waxay dhan tahay 639,369,240,470, taasoo 23.19% ka badan tii sannadkii hore ee 2011.

Waxa xusid mudan, in miisaaniyaddani dhawr bilood dib uga dhacday waqtigii sharcigu dhigayay inay ka gudubto ansixinta golaha Wakiilada Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed