|

Midowga Yurub Wefti ka Socda oo Kismaayo Tegay

Kismaayo 23.July 2014 (SDN/QJ)- Wafdi ay hoggaamineyso ku xigeenka argeyga gaarka ah ee  Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Fatiha-Serour-1024x681Ujeeddada wafdiga xubnaha ayaa lagu sheegay in ay u kuurgalaan xaaladda ammaanka ee magaalada, gargaarka iyo sida Qaramada Midoobey gacan uga geysan karto adkeynta nidaamka maamul wanaagga ee deegaanka.

Wafdiga ayaa Kismaayo kulan kula leh mas’uuliyiin uu kamid yahay ku xigeenka koowaad ee hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyadoo dhowr ah oo amniga iyo gargaaridda dadka dhibaateysan laga wada-hadlayo.

Wafdiga ayaa la kulamaya Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka KMG ka ah ee Juba Jan. C/laahi Ismaaciil Fartaag iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, waxeyna ka wada hadlayaan arrimo la xiriira gargaarka, tabarka ciidanka iyo adkeynta xiriirka u dhaxeeyo hay’adaha Qaramada Midoobay  iyo  maamulka Jubba.

Maamulka  Jubba ayaa dhawaan walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo iyo deegaannada hoostaga

Tagitaanka Kismaayo ee wafdiga wuxuu ku soo beegmay maalin kaddib markii wafdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub ay Kismaayo booqdeen.

Kismaayo SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed