Midowga Yurub Oo Markii Ugu Horraysay Shaaciyey Tirada Rasmiga ah ee Ciidamada Ka Jooga Gudaha Dalka Somalia
Muqdisho:Feb,27,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Midowgay Reer Yurub ayaa markii ugu horraysay Qirtay In ciidamo katirsan ku sugan yihiin GUdaha Dalka Somalia, kuwaas oo arrimo amni halkaas u jooga.
Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in ilaa 150 askari ka joogaan Soomaaliya.
“Waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 150 askari ciidamo milateri oo ka socda Midowga Yurub, Waxay xoojnayaan tayada Ciidamada Soomaaliya, waxay talo siinayaan Wasaaradda Difaaca, xerada Jaziira ayay tababaro ku siinayaan Ciidamada Soomaaliya”ayuu yidhi Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Ciidamada ugu badan ee howl galka la dagaalanka Budhcad badeedka ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan howl galka loogu magac daray Atalanta.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in sanadka 2015 uu yahay sanadkii la gaari lahaa natiijooyinka, ka hor sanadka 2016 oo la qorsheynayo in doorasho ka dhacaan Soomaaliya.
Laakiin waxaa uu xusay in inkastoo horumaro la sameeyay, hadana ay wali taagan yihiin caqabado iyo dib u dhacyo, waxaana uu cadeeyay in sanadkan ay filayaan in Al-Shabaab laga saaro Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horay u sheegay in boqolaal askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM la dagaalanka Al-Shabaab iyo in ciidamada Soomaaliya ka taageerayaan dhinaca qalabka.
Midowga Yurub ayaa sanadkii hore waxaa uu si rasmi ah ugu soo raray Soomaaliya howl galkii tababarka ciidamada Soomaalida, iyadoo hogaan looga dhigay Sarkaal u dhashay dalka Talyaaniga.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com