|

Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay dawlada Somaliya

Muqdisho 21, January, 2016(SDN/QJ)-Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in lacag gaadheysa €29 milyan oo u dhiganta $31 milyan oo doolar ugu deeqay Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda Bin’aadanimo ee ka taagan qaybo kamid ah dalkaas.

 

Deeqdan ayaa timid kadib markii Madaxa Midowga Yurub ee Gargaarka Bin’aadanimada iyo maareynta masiibooyinka Christos Stylianides uu shalay booqasho ku tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna kormeeray xerooyin ay ku jiraan barakacayaal oo uu xaaladooda ka deyriyey.

 

 

 

‘’ Waxaan aad uga naxay xaaladda ay ku sugan yihin dadka barakacayaasha aan kusoo arkey Muqdisho,’’ ayuu ku yidhi qoraal kooban usoo dhigay bartiisa twitter-ka.

 

Kadib booqashadiisa ayuu sheegay in lacagtaas wax loogu qaban doono dadka aad u liita oo aan haysan wax gargaar ah.

 

Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan si rasmi ah u sheegtay in dad gaadhaya shan milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin caawimaad deg deg ah, waxaana ay dalbatay lacag ku dhow $900 milyan oo doolar.

Comments are closed