Midowga Yurub oo Dawlada Iran ka Dalbaday inay Xurmayso Heshiiskii Nukliyeerka ee ay La Gashay Shanta dal ee waaweyn Iyo Jarmalka
Berlin 04. August 2017 (SDN/QJ):- Midowga Yurub ayaa sheegay in dhamaan dhinacyadu ay ixtiraamayaan heshiiskii ku saabsanaa barnaamijka Quwada Nuclierka ee Dalka Iran oo ay la gashay shanta dal ee waaweyn iyo Jarmalku.
Inkastoo ay maraykanku si gooni ah dhowaan cunaqabatayn ugu soo rogeen jamhuuriyada Iran, Cunaqabatayntaas oo ay Iran ku sifaysay mid ka soo horjeeda heshiiskaasi.
Mss catrine Ray oo ku hadlaysay magaca wasiirka Arimaha Dibada ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in ay ilaa haatan aaminsan yihiin in dhamaan ay dhinacyadii gaadhay ixtiraamayaan heshiiskii lala galay Jamhuuriyada Iran ee ku saabsanaa barnaamijkeeda quwada Nuclier-ka.
Sida la ogyahay Wasiirka arimaha dibada ee Midowga Yurub Federica Mugerini waxay sidoo kale madax ka tahay gudiga la socodka dhaqangalka heshiiskaasi, waxana ay sabtida beri ee soo socota booqan doontaa Dalka iran si ay uga qaybgasho munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Rooxaani oo bishii may ee sanadkan markii labaad loo doortay jagadaasi.