Midowga Yurub, Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Ciidankeeda Kasoo Saarto Saax-dheer
Washington:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Ergayada Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa soo saaray Baaq ka dhan ah ciidamada Somaliland ee gudaha ugalay Magaalada Saax-dheer ee Gobolka Sool.
Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac ka muujiyey ciidamada la geeyey Saaxdheer gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.
“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.” Ayaa lagu sheegay bayaanka ay wakiilladu soo saareen.
Sidoo kale wakiilada ayaa ku booriyay Somaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka.
Ciidamada Somaliland ayaa shalay la wareegay deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhici laheyd Munaasabada caleema saarka Dr. Cali Khaliif Galeydh.
Somaliland wali kama ay hadlin dhawaaqan kasoo baxay Wakiilladan waxase la filayaa inay dhawaan jawaab degdeg ah ka bixiso, iyadoo sidoo kale looga fadhiyo inay shacabnka u faafhaahiso sababta ciidamadu gudha ugu galeen deegaanka saax-dheer oo Cali Khaliif qala-laasaha ka waday.
SDN/QJ