|

Midowga Yurub iyo Madaxweyne C.Weli Gaas oo Markab Dushii Shir ku Wada Qaatay

Boosaaso 26.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta  Markab dushiisa kula shiray Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia iyo dhowr safiir oo dalalka Yurub ka socda.

Markabka uu shirkan ka dhacay ayaa kusoo xirtay duleedka xeebta magalada Bosaso wuxuna socday mudo ku dhow lix saac.

Gaas_iyo_EUAfhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Quraan jecel oo la hadlay goor dhawayd Radio Garowe ayaa faah faahin ka baxshay kulanka waxa uu ku saabsanaa wuxuna sheegay muhiimadiisu inay ahayd sidii beesha caalamka loogu bandhigi lahaa qorshaha xukumadda ee waxqabad iyo helitaanka qaybta ay Puntland ku lee dahay dhaqaalaha magaca Somalia lagu soo qaado.

”Waxa uu ku dhaliilay reer Yurub iyo UN-ba inay Puntland ay ka mid tahay Somalia isla markasna dhaqaale badan la siiyo Koonfurta Somalia Muqdishona la geeyo,iyadoo magaca umadda lagu soo qaaday qaasatan wixii amni ku saabsan,ciidamada DF ay ka mid yihiin kuwo PL marka in kuwa PL la qadayo kuwa DF tababaro iyo wax kale la siiyo” Quraanjecel oo sii hadlaya ayaa sheegay inay u balan qaadeen inay badali doonaan siyasadooda gudaha.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay labada dhinac inay isla soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa jariifka baahsan ee lagu hayo xeebaha Puntland iyo kooxda burcad badeedka ah.

Dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud ee fadhida magalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyay musuq maasuq faro badan ka dib markii la waayay meelaha ay ka baxaan deeqaha magaca Somalia lagu soo qaado ee Bankiga kusoo dhaca.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed