Midowga Yurub Iyo Golaha Amaanka Oo Ka Wada Hadlay Hormarinta Howgalka Amisom Ee Soomaaliya
New York March 15 2013 (SDN)—Kulan si wada jir ah ugu dhexmaray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo waliba Midowga Yurub xarunta Golaha Amanka ee ku taalo New York,ayaa waxa si weyn la isugu soo hadal qaaday Sida labada dhinac waa Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iskala shaqeyn karaan hormarinta holwgalka AMIOSM ee ka socda Soomaaliya.
Waxana Golanka shir gudoomiyay Madaxa Golaha amaanka ee xiligan,iyadoo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Miodwga Yurub oo kulanka qudbado ka jeediyay oo u badnaa gacansiinta iyo ku dhiiragilinta Ciidamada AMISOM la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amaanka goobaha Al-shabaab laga saaro.
Waxayn si wada jir ah u soo dhaweeyeen ugu horeyn qaadista cuanqabateynta hubka iyo baacsiga Al-shabaab ee ku aadan gobolada dalka Soomaaliya.
Wafdiga ka socday gddiga gmaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub waxay kaloo la kulmeen Xoghayaha Guud QM, Ban ki-moon, Ku-xigeenkiisa, Jan Eliasson,waxayna ka wada arinsadeen sidoo Soomaaliya iminka rajeyneysa Soomaalinimadeedii horay loo gacan qabto oo laga taageero dhinac walbo oo xiligan u baahan yihiin shacabka iyo xukuumada Soomaaliya.
Qaramada Midoobay iyo Midwga Yurub waxay si wada jir ah u taageeraan Soomaaliya,iyagoo insha ku haya hadba xaalada Soomaaliya sida ay tahay.
Waxayna amaaneen horamarada ay ciidamada amisom ka sameynayaan howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya,sida saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ay tilmaameen.
SDN-New York