|

Midowga Reer Yurub Oo Dhaleeceeyey Dil-wadareedkii Ka Dhacay Gudaha Kenya

Mandhera:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub, ayaa si kulul u cambaareeyey xasuuqii dhawaan loo geystay Shacab ku sugnaa Gudaha Dalka Kenya, kuwaas oo dilkooda ay sheegatay Kooxda Al-shabaab.

masaeUrurku waxay ku Baaqeen in si degdeg ah Maxkamad loola tiigsado dadkii  ka dambeeyey Dilkaas iyo waliba cidda loo filayo inay soo abaabuleen.

Bayaan ay maanta soo saareen midowga Europe ayey ku sheegeen in dhacdadii lagu dilay 28-ka qof ay ahayd fal argagixiso.

Waxa ay intaas ku dareen in ay qasab tahay in dadkii weerarkaas geystay cadaalada la hor geeyo.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska midowga Europe ayaa tacsi loogu diray ehelada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, waxaana lagu cadeeyay bayaanka in wadamada midowga Europe ay is garab taagayaan dowlada iyo shacabka Kenya, ayna sii wadayaan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah xarakada shabaab ee Somalia.

Dilka dadkan ayaa waxa Sheegatay Xarakada Al-shabaab, waxana ay tilmaameen inay ugu aargudayaan Dad Muslimiin ah oo lagu dhibay Gudaha Dalka Kenya Dhawaanahan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed