Midowga Reer Yurub Oo Abid lacagtii Ugu Badnayn ugu Deeqay Amisom
Brugsels: 12-Sep-2013(SDN)-Guddiga Midowga Reer Yurub ayaa Ku Dhawaaqay inay 124 milyan oo Euro siin doonaan ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si looga Midho dhaliyo Hawlaha ciidanku ku raadinayo nabadda iyo kala dambaynta soomaaliya.
Catherine Ashton, Madaxa arrimaha siyaasadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay in lacagta loogu deeqayo AMISOM ay gacan weyn ka geysan doonto dadaallada lagu doonayo in xasillooni iyo nabad lagu soo dabaallo dalka Soomaaliya.
Waxay tilmaantay in horumarka ka socda Soomaaliya uu muujinayo in ay jirto rajo ku aadan in laga gudbay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Catherine Ashton ayaa xustay in shirka caalamiga ah ee 16-ka bishan looga hadli doona arrimaha Soomaaliya ee lagu qaban doono magaalada Brussles ee dalka Belgium uu ka caawin doono dib u dhiska hannaanka dowladnimo iyo tiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya gaarto.
Lacagtan ayaa haddii ay soo gaadho ciidanka Amisom ee ku sugan soomaaliya, waxa ay keeni doontaa dardargelin iyo shaqo muuqata oo ay ku kacaan ciidanku.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com