|

Midowga Afrika Oo Wakiil Cuusb u Soo Magacaabay Somalia

Addis Ababa:July,10,2014(SDN/QJ)-Dr Mamam Sidikou ayuu Midowga Afrika u magacaabay inuu Noqdo Wakiilka Cusub ee Somalia u qaabilsan Midowga Afrika.

SidikouMamanWarsaxaafadeedka  soo Baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Mama Noqon doono Wa Madaxa AMISOM ee Soomaaliya.

Marka loo eego midowga Yurub, Dr Sidikou ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad dhanka siyaasada, diblimaasiyada, iyo xidhiidhka bini’aadanimada uuna ka shaqeynayo Soomaliya.

Dr Sidikou oo heysta shahadooyinka Ph.d iyo Degree maadada saxaafada ayaa sidoo kale ahaa safiirka Niger ee Mareykanka tan iyo October sanadkii 2011, sidoo kale wuxuu noqday agaasimaha TV qaranka ee dalkaasi.

Wuxuu sidoo kale noqday la-taliye madaxweyne, isagoo kasoo shaqeeyay hayadaha USAID, Bangiga adduunka, UNICEF iyo ha’yadda badbaadada caruurka ee Save the Children.

Midowga Africa ayaa sheegay in magacaabidiisu ay timid wakhti horumar laga sameynayo dhanka amaanka iyo dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa wali awood ku leh dalka Soomaliya waxaana ay geysteen weeraro kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed