|

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo Iskaashi Cusub Kala Saxiixday & Iskaashigani Wuxuu Yahay!!

Addis Ababa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkan dhamaadkiisii waxay kala saxiixdeen, heshiis cusub oo taariikhi ah oo dhanka iskaashiga labada dhinac ah gaar ahaan amniga iyo nabadgelyada iyo sidii jawaab looga bixin lahaa caqabadaha iyo isbedelada ku yimaadda hawlgalada nabad ilaalinta.

Heshiiskan waxaa labada Hay’adood u kala saxiixay Xighayaha Guud ee Qaramaa Midoobay António Guterres iyo Gudoomiyaha Ururka Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat.

Mr. Guterres  oo heshiiskaa faahfaahin ka bixiyey waxa hadaladiisii ka mid ahaa: ‘ meeli uma banaana hab dhaqankii Qaddiimka ahaa ee nabad ilaalineed ee naga dhexayn jiray, waxana uu ahaa mid dhinac waliba gaarkii uga shaqaynayo ciidamo nabad ilaalineed oo hal wadan wada jooga, waana mid aanu maanta isbedel ku samaynayno oo noo suurogelinaysa inay nabadu si ku meelgaadh ah uga tisqaado meelaha aanu nabad ilaalinta ka wadno.’ isagoo intaa raaciyey in ay Afrika gudaheeda iyo meelo kale oo caalamka ahba ay ka dareemeen isbedelka ku kallifaya in dib loo eego  istiraatiijiyada  xiligan loo raaco hawlaha nabad ilaalineed ee guud ahaan caalamka.

Waxa la filayaa in heshiiskan iskaashi ee cusub ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu sii balaadhin doono dhamaan waxyaabaha ka dhexeeya Labada Hay’adood, halka sidoo kalena uu sii xoojn doono arimaha ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha iyo hanaanka maamul wanaagga, oo ay soo raacdo sidii Higsiga Qaaradda Afrika ee 2063 uu ula jaanqaadi lahaa  qorshaha horumarineed ee caalamiga ah ee 2030, isla markaana ay labada barnaamijba u noqon lahaayeen kuwo ay maslaxadi ugu jirto Qaaradda Afrika.

Waxaa kaloo ay Mr Guteress iyo Mr Mahamatt yeesheen kulan hadda ka bacdi noqon doona mid ay    sanad walba  qabsan doonaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kulankaas oo lagu falanqeeyey sidii la isu waafajin lahaa Higsiga Qaaradda Afrika ee 2063 iyo Higsiga Caalamiga ah ee 2030, sidoo kalena lagaga xaajooday dagaalka ka dhanka ah waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan argagixisada iyo maalgelinta hawlgalada ay mas’uuliyadeeda leedahay Qaramada Midoobay.

Labada Gudoomiye waxay kaloo falanqeeyeen xaaladaha ammaan ee dalalka dunida qaarkood sida Liibiya, Mali, Afrikada dhexe iyo Dalkaasi somaliya.

Comments are closed