Midowga Afrika iyo AMISOM oo Raalli-galin ka bixiyay Shacabkii lagu laayay Marka
Nairobi,21Aug,2015(QJ/SDN)-Mas’uuliyiinta ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku Qabteen Nairobi waxay raalli-galin uga bixiyeen; falkii ciidamadoodu ay ku laayeen shacabka 31-dii July ee aynu soo dhaafnay, kasoo dhacay degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellada Hoose.
Shirka oo ay ka wada qeyb galeen ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire, Maman S. Sidikou, Taliyaha Ciidamada AMISOM Lt Gen. Jonathan Kipkemboi Rono, Anand Pillay taliyaha bilayska AMISOM iyo Brig. Gen. Samuel Karuma oo ah taliyaha ciidamada Difaaca Yugaandha ee UDF, ayaa waxey oga jawaabeen su’aalo lagu weydiiyay iyagoona tilmaamay iney aad oga xun yihiin dilka shacabkii aanan waxba galabsanin ee ku sugnaa xaflada aroos.
Maman S. Sidikou oo ka Hadlay dhacdadaas, ayaa Sheegay in toddoba Qof ay si khald ah ugu dileen magaalada Marka Ciidamada AMISOM 31, July, 2015. Halka Wararka madaxa bannaanan ee ay sheegeen in Marka lagu dilay dad 20 qof ka badan.
Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in saddex askari oo ka tirsan AMISOM Falkaas loo xiray; isla markaasna ay socdaan baaritaano lagu ogaanaayo sababta Shacabka loo laayay.
Mas’uuliyiintan ayaa badankoodu waxay ka jawaabeen su’aalo ay ka mid ahaayeen; inta uu socon doono baadhitaanka, ciqaabta ay muteysan doonaan Askarta lagu helo inay dambigaas galeen iyo waliba iney Magdhawi doonaan dadkii eheladooda la laayay. Waxey tibaaxeen in ugu badnaan mudo labo isbuuc ah lagu soo gaba-gabeyn doono baaritaanka kadibna ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cidii ku lug yeelato, isla markaasna lala hadli doono dadkii eheladooda la dilay.
Dhanka kale, Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo howsha ay u joogaan Somalia ay tahay Nabad-ilaalin, ayaa waxaa marar badan lagu eedeyay iney Siyaabo kale duwan u dileen dad aanan hubeysneyn oo shacab ahaa.
Eedeymihii ugu dambeyay ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Dilal Wadareedyo ka kala dhacay degmooyin ka tirsan Gobalkada Shabeellada Hoose, Bakool iyo Hiiraan oo la tilmaamay in AMISOM ay siyaabo kale duwan shacab ugu laayeen.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka hogaamiyaasha AMISOM, ayaa ku soo beegmaayo iyadoo 14-kii bishaan ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW), war qoraal ah ka soo saartay shacabkii lagu laayay magaalada Marka.
Waxeyna Hay’addu ugu baaqday Taliska AMISOM iney baadhitaan madax bannaan ku sameeyaan askar Uganda ka socota ee AMISOM oo lagu eedeeyay inay lix nin ku dileen aroos ka dhacay magaalada Marka taariikhdu markay ahayd 31-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Luuliyo.
Sidoo kale HRW waxey ku sheegtay baadhitaan ay soo saartay in dad goob joogayaal ahaa ay u sheegeen, in kaddib markii bambo lagu weerarray kolonyo Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay galeen dhowr guri oo ku yaalla xaafadda Rusiya ee magaalada Marka. Mid ka mid ah guryahaas oo ay ka socotay xaflad Aroosna ay ciidamadu dadkii joogay u kala saareen Rag iyo Dumar, kadibna ay halkaas ku toogteen lixda nin oo kala ahaa; Afar wiil oo isla dhalatay, Aabbahood iyo waliba Adeerkood.