|

Midowga Africa oo Hambalyeeyay Natiijada Shirkii Jubooyinka ee Muqdisho lagu soo Khatimay

Muqdisho 07.Nov 2013 (SDN)- Midowga Afrika ayaa bogaadiyay natiijada ka soo baxday shirkii dib-u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

wakiilka-AU1Wakiilka gaarka ah ee Midwoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in shirka uu qeyb ka ahaa hirgelinta heshiiskii Addis Ababa lagu soo gaaray 28-kii bishii August, isagoo tilmaamay in shirka looga dooday qodobbo muhiim ah sida; nabad dhisidda, dib-u-heshiisiinta iyo arrimaha bulshada.

Wuxuu tilmaamay in uu ku farxay in ergadii ka qeyb gashay shirka ay ka doodeen qodobo muhiim u ah dedaallada dib-u-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta ah ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Danjire Annadif ayaa caddeeyay in uu dhiirigeliyay jawiga uu ku socday shirka iyo ergadii ka qeyb galeysay oo loo ogolaaday in ay si furan uga doodaan arrimaha jira si xal waara looga gaaro nabad ka dhalata Jubbooyinka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed