“Midnimadda Soomaaliyeed Iyo Calankiiba wuu saqiiray, 25 Sannadood Dhibaato Ayay Ku Hayeen Somaliland ” Wasiir Xigeenka Warfaafinta
Hargaysa 05.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay in Somaliland ay ku tallaabsatay waxqabad iyo horumar balaadhan ka dib markii ay dib ugala soo noqotay madax-banaanideedii wixii la isku odhan jiray Soomaali weyn oo ay 55 sannadood muddo laga joogo la gashay midow lagu hungoobay.
Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu waxay sidaasi ka sheegtay barnaamijka todobaadlaha ah ee “WAXAY ILA TAHAY” oo ka baxa Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da, kaasi oo lagu falan qeeyay dood mawduuceedu ahaa “Xaggee ayay Soomaaliya taagan tahay 55 sanadood kadib.” Midowgii Somaliland iyo koonfurtii Soomaaliya oo ku beegnaa 1-dii Bishii July 1960-kii.
Somaliland waxay tanaaday oo dalkeedu horumar iyo waxqabad ka hirgalay 24 sannadood ka hor markii ay kala soo noqotay xornimadeedii wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaana shirweynihii u horeeyay ee nabadeynta beelaha Somaliland lagu qabtay magaaladda Burco oo lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland 18-kii May 1991-kii.
Mudadaasi Somaliland ka dib waxay ku guulaysatay nabadda cagaha adag ku taagan, dib u dhiskii saddexda dhardhaar ee Ha’yadaha dawladnimadu ka kooban tahay, 31-kii Bishii May 2001-dii waxa dadweynaha Somaliland u codeeyeen aftidii dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoddobada u horeeya ay ku jirto in Somaliland tahay qaran madax-banaan oo dimuqraadi ah, waxaana dastuurkaasi inay Somaliland ka go’do Soomaaliya u codeeyay 97% dadweynaha Somaliland.
Sidoo kale waxa dalka Somaliland ka hirgalay nidaamka xisbiyadda badan iyo hanaanka dimuqraadiyadda, waxaana Somaliland ka qabsoomay shan doorasho oo xor iyo xalaal u dhacay oo ay mustawaheeda bogaadiyeen goob joogeyaal caalami ah oo markhaati ka ahaa doorashooyinkaasi.
Wasiir Shugri ayaa ugu horayn waxa ay si balaadhan uga warantay taariikhdii siyaasadeed ee Somaliland marka laga soo bilaabo xiligii Ingiriisku gumaysanayay iyo markii ay la midaowday koonfurta Soomaaliya. Waxaanay tidhi “Somaliland waxay soo martay halgan dheer oo taariikhi ah. marka aynu ka nimaadno halgankii ay la soo gashay gumaystihii Ingiriiska oo ay maxmiyad u ahayd, dalkayagu muu soo marin gumaysi laakiin maxmiyad ayaanu ahayn. 1960-kii markii aanu xornimadda ka qaadanay Ingiriiska waa la ogaa sidii kal-gacaylka Soomaaliyeed lahayd sidii aanu isugu daynay Soomaaliyi in ay noqoto dawlad weyn oo cudud leh, oo caalamka ka muuqata.Laakiin, hankayagaasi wuxuu noqday mid Hungoobay sida ay taariikhdayadu dhigayso”.
“55 sanadood ee ka soo wareegay xoriyadda aad sheegay 25-sanadood oo ka mid ahaa dhibaato ayay anaga nagu ahaayeen, waxaa na loo tiriyaa 28-sanadood oo ka danbeeyay, oo ka bilaabmaysa 1988 oo aanu saddex sanadood halgan ku jirnay, 1991-kiina aanu ku dhawaaqnay gooni-isku taaga Somaliland. Markaa midnimadda Soomaaliyeed iyo calanka aad ka sheekaynaysaan wuu saqiiray, oo intii ugu danbaysay uu Hiimsaha laabtay oo lagu Hungoobay sanadkii 1988 markii dalkayaga dadka ku nool diyaaradaha lagu garaacay, ee la jid-dilay, ee la boobay, oo diyaaradii Hargaysa ka kacday iyo ciidamadii cashuurta dadkayaga la qaadi jiray ay na garaaceen, ee ay na xasuuqeen” ayay tidhi Shugri Xariir.
Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, oo ka hadlaysay waxyaabaha ay Somaliland ku talaabsatay kadib markii ay xornimadeedda dib ula soo noqotay. Waxay tidhi “25-ka sanadood ee ay Somaliland jirtay waaba inta la noo tiriyo caafimaad ahaan, maskax ahaan, dawlad ahaan iyo dhaqan ahaanba, waa inta keliya ee la noo tiriyo cimrigayaga haddii aanu Somaliland nahay. Waxaanu qabsanay waxyaabo badan marka laga soo bilaabo 1991-kii, ilaa 2000, waxaanu ku jirnay nabadaynta bulshadayadda iyo beelahayaga, sida hub ka dhigistii ciidamadii maleeshiyo-beeleedka ahaa iyo kuwii SNM iyo in aanu helno xuduudo xor ah oo ay leedahay Somaliland, dastuurka dejintiisii iyo habka dimoqraadiyadda ah sidii aanu ku gaadhi lahayn ayaanu ku mashquulsanayn.
Markii aanu joognay 2000, waa markii aanu habka dimoqraadiyadda bilawnay, ee dastuurka loo codeeyay, oo ay 97% u dadka reer Somaliland u codeeyeen gooni-isku-taaga Somaliland. Daibna waxaanu bilawnay doorashooyinkii madax-banaanaa, aas aaskii xisbiyadda qaranka, iyo haykalka dawladnimo, oo doorasho madax-banaani in ay dalka ka dhado. Waxaad og tihiin in shan doorasho oo madax-banaani ay dalkayaga ka dhaceen, oo qof iyo cod ah, iyadoo qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ka qayb qaatay, isagoo xor u ahaa codkiisa cidda uu siinayo. Waxaanu dhisnay kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaanu dhisnay arrimaha bulshadda”.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta, mar la waydiiyay su’aal ahayd in Somaliland mudadda ay jirtay ay ku talaabsatay horumar badan, hase yeeshee aanay weli caalamka ka helin aqoonsi. Waxay ku jawaabtay “Marka u horaysa aqoonsigu waxa weeyi ka aad adigu naftaadda siiso, ee aad isku kalsoonaato. Markaa Somaliland waxaa aqoonsi ugu filan in ILLAAHAY-na (SWT) uu aqoonsaday, iyaguna ay tabceen, dawladnimadoodiina ay dhisteen, dawladdo badan Ayaan haysan waxa aanu anagu manta haysano, ee aanu ku faanayno, beesha caalamkana waanu uga fadhinaa in ay na siiyaan aqoonsiga.
Midda labaad waxaa caalamka oo dhami uu og yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo isku darsamay, oo lixdankii midoobay oo qolona ay Ingiriiska Maxmiyad u ahayd, oo aanu weliba gumaysan, qolada kalena uu Talyaanigu maysan jiray. Dabadeedna anaga oo dawlad ah, o baarlamaankayagii wadana, oo wasiiradayadii wadana ayaanu la midawnay. Laakiin markii hore dawlad ayaanu anagu ahayn” ayay tidhi marwo Shugri Xariir Ismaaciil.
Hargaysa SDN/QJ