Midawga Yurub Oo Taliye Cusub U Magacaabay Tababarradooda Hawlgalada Somalia
Brugseles:18-Dec-2013(SDN)-War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa sheegay in Tababarrada Hawlgallada askarta Somalia laga soo rari doono Dalka Uganda loona soo wareejin doono Magaalada Muqdisho, maadaama uu ammaan haatan halkaas ka jiro.
Ururka Midowga Yurub ayaa soo magacaabay taliye cusub oo u dhashay dalka Talyaaniga laguna magacaabo General Massimo Mingiardiagacaab oo noqonaya taliyaha cusub midowga yurub ugu magacaban taba barka ciidamada Soomaaliya.
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Midowga Yurub uu Taliye Cusub arrintan u magacaabay kaas oo ah Masimo Mingiardi, waxana uu General Massimo Mingiardi shaqadisa bilaaban doonaa 15 bisha February ee sanada 2014, waxana uu hogaanka kala wareegay General Gerald Aherne oo sanadi hore loso magacaby inuu bixiyo taba barka la siinayo ciidamada Soomaliya.
Midowga Yurub ayaa soo bilaaway tababarka ciidamada Somalia sanadi 2010-kii waxana ay tababaren ku dhawaad 3600 askari,sraakisha midowga Yurub aya sidoo kale kala taliya wasarada difaaca Somalia arimaha siyaasada iyop djinta istaaritijiyada dagaal iyo horu marinta dhanka ammaanka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com