|

Midawga Yurub oo bilaabay in ay Ciidamo ku tabobaraan Muqdisho

Muqdisho Feb 26,2014(SDN)-Ciidamada Midawga Yurub ee tabarada u fidiya Soomaaliya ayaa ka hawlgalay magaalada Muqdisho markii u horeysay ilaa intii ay shaaciyeen in ay tababaradii Soomaaliya u soo rareen.

Kulan lagu qabtay xerada tababrada ee Jaxiira oo xarun u ah barnaamijka tababrada midawga Yurub ayaa waxa ka soo xaadiray wasiir ku-xigeenka difaaca Soomaaliya Cabdulahi Xuseen Cali.

Gen Massimo Mingiardi oo ay taliyaha midawga Yurubu xilsaartay tababrada ciidamada Soomalaiya ayaa sheegay in 16 ka mida ciidamada Midawga Yurub ay bixin doonaan tababarada.

Ciidamada Soomaaliya ee tababrkan dhameysta ayaa lagu wadaa in ay sii carbiyaan ciidamada amaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Mudawga Yurub Catherine Ashton ayaa sheegtay in furitaanka tababrada ciidamadooda ee Muqdisho ay tahay mid taariikhi ah.

“Ciidamadayada oo tababray ciidamada Soomalaiya ilaa 2010kii ayaa haatan markii u horeysay guddaha Soomaaliya u soo raray tababradii Muqdisho”ayay tiri Ashton.

Ciimada midawga Africa ayaa tababarada ciidamada Soomaaliya ku bixin jiray dalka Ugaandha,waxaaney ilaa iyo haatan tababeer ilaa 3,600 oo ka mida ciidamada amaanka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed