|

Midawga Yurub iyo Turkiga oo isku maandhaafay sida mudaharaadeyaasha loola macaamilayo

Istanbul June 08,2013(SDN)-Dalka Turkiga ayaa maalmihii u danbeeyay waxa curyaamiyay mudaharaadyo dalkaa ka socda oo dawlada dalkaasi looga dalbanayo isbedelo dhanka biiada ah.

Turkiga ayaa mudaba damacsanaa in uu ku biiro ururka midawga Yurub,mudaharaadyada ayaa saameyn ku yeeshay xiriirka Turkiga iyo Midawga Yurub.

Raiisul Wasaaraha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan oo arintan ka jawaabay ayaa sheegay in dalalka reer Yurub ee mudahaaraadyadu ka dheceen lagu laayay dad ka badan ku Turkey ku dhintay.

“Reer Yurub iyagaa leyn lahaa dad kabadan hadii dalalkooda ay ka dhacaan mudaharaadyo, EUna weligeed kama ay hadal”ayuu yiri Erdogaan oo ka carooday hadalka wefdiga EUda ee Turki joogaa.

“Anagu ma diidanin in dadku si xor ah u mudaharaadaan,mase ma ogolin in la dhaco la gubo hantida ummadda”ayuu yiri Erdogan.

Saxaafada Reer galbeedka ayaa si weyn isu barbar dhigayay kacdoonadii carabta dhawaanta ka dhacay iyo ka haatan ka socda Turkiga.

Arintaasina waxa ay ka careysiisay xukuumada la doortay ee dalka Turkiga hogaamisa.

SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed