Midawga Yurub oo u diyaar garoobaya inay Ciidamadooda ku fidiyaan Afrikadda Dhexe
Belgium 30,mar.2014(SDN)-Madax sare oo ka tirsan Midawga Yurub,ayaa daboolka ka qaaday inay haatan doonayaan inay ciidamadooda ku fidiyaan Guud ahaanba Dalweynaha Afrikadda Dhexe,ka dib markii ay dib uga dheceen wakhtigii hore loogu asteeyay in ciidamadu ay Dalka Gacanta ku dhigaan,si loo soo celiyo Xasiloonidii iyo kala danbayntii Waddanka .dalkaas ayaa waxa si ba’an u saameeyay Colaado Firqooyin ku salaysan.
Madaxa siyaasadda Arimaha Dibadda midawga reer Yurub,Haweenayda la yidhaa: Catherine Ashton,ayaa sheegtay inay ciidamadi ka kala tirsanyihiin Wadamadda kala ah:Faransiiska iyo Jarmalka wadamadda kalena ay si tartiib tartiib ah ugu soo Biirayaan.
Wadanka Afrikadda Dhexe,ayaa la daalaadhacaya Iska isku dhaco dhex maraya dadka masiixiyiinta iyo Muslimiinta Waddanka ku Wada nool.
Brussels,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com