|

Midawga Afrika oo ka hadlay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

ADDIS ABABA (QJ) – Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo 11-kii bishan December ka dhacay magaalada Ankara.

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku booriyay in si buuxda loo hirgeliyo. Goluhu wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo maalgelin joogta ah oo la siiyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si kor loogu qaado xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay sida ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah siiyaan howlgalka ATMIS.

Goluhu wuxuu kaloo ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay sahamiyaan fursadaha maalgelinta ee lagu qeexay Qaraarka 2719 (2013). Goluhu wuxuu xusay inay muhiim tahay in ATMIS-ku uu si hufan u guto waajibaadkiisa, isla markaana uu taageero Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya (SSDP).

Comments are closed