Midawga Africa:Ciidamada Itoobiya waa in ay magaalooyinka ay qabsadeen ku wareejiyaan AMISOM
Adis Ababa Mar 10,2012(SDN)-Madaxa Amniga ee Midawga Africa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya laga saarayo labo magaalo oo ay dhawaan ka qabsadeen maleeshiyaadka Shabaabka.
Dhamaadka bisha inagu soo fool leh ee April ayaa lagu wadaa in 2,500 oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee Jabuuti,Burundi iyo Ugaandha ayaa la wareegi doona magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.
Ramtane Lamamra oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya aan iminka wixii ka danbeeya loo baahneyn.
Lamamra ma sheegin in ciidamada Itoobiya ay sii wadi doonaan baacsiga kooxda Al Shabaab ee weli ku sugan degaanada Koonfurta qaar ka mid ah.
Itoobiya ayaa dhankeeda sheegeysa in ay Soomaaliya ciidamadeeda kala bixi doonto kolka ay degenaasho ka dhaliyaan.
SDN-Adis Ababa