|

Mid kamid ah Wadamada Carabta Oo Laga Mamnuuca In Laga Daawado Filim Ay Jilaa Ka Tahay Gal Gadot

Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Dalka Lubnaan Shineemooyinka kuyaala ayaa gabi ahaan laga mamnuucay in laga daawado Filim cusub oo la sheegay in ay aktarada ama jilaaga koobaad ka tahay gabadha lagu magacaabo Gal Gadot , oo kasoo jeeda yahuuda Israa’il.

Filimkan ayaa la qorsheenayay in laga daawado habeenkii xalay shineemooyinka kuyaala magaalada Beirut ee caasimada dalka Lubnaan, hasa ahaatee amar kasoo baxay Xukuumada Lubnaan ayaa lagu amray in filimkaasi aan la daawan karin.

 

Dalka Lubnaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday olole xoogan oo lagu doonayay in lagu mamnuuco daawashada filimka ay aktarada koobaad ka tahay Gal Gadot oo horey uga mid aheed Ciidamada Israa’il.

 

Horey dalka Lubnaan waxaa looga daawaday filimaan dhoor ah ay qeyb ka aheed aktaradan u dhalatay Israa’il, hasa ahaatee filimanatasai ayaan aheyn kuwa ay aktarada koobaad ka tahay Gal Gadot.

Comments are closed