Mid kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia oo Ka Tanaasulay u Tartanka Xilkaas & Sababaha uu Cuskaday
Mid kamid ah Musharaxiintii isku soo taagtay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya horeyna u buuxiyay Sharuudihii laga doonayay ayaa saakay ku dhawaaqay in uu tanaasulay kana haray tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxan ku dhawaaqay in uu tartanka ka haray ayaan horey uga mid aheyn Muxsharaxiinta saameynta leh ee loo saadaalinayay in uu kusoo baxo kursiga Madaxweynaha Dalka Soomaaliya
Musharaxan ayaa ka mid ahaa 8- Musharax oo maanta khudbado ka jeedin lahaa Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqistiisa ay soo hormartay, wuxuuna sababaha uu ugu tanaasulay uu ku sheegay qoraal uu soo saaray, una qornaa sidan:.
Qoraal uu soo saaray Musharaxa ugana hadlay tanaasulkiisa ayaa u qornaa sida tan
UJEEDO: KA TANAASULID MUSHARAXNIMADA JAGADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA
BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM
Anigaoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:
Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.
Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.
Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.
Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.
Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.
Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.
WABILLAHI TOWFIIQ
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan