|

Mid kamid ah Dalalka Yurub Oo Laga Mamnuucayo Gawaadhida Ku Shaqeeya Shidaalka

London 27. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Britain ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo qorshe dalka looga mamnuucayo gawaarida cusub ee ku shaqeeya baasiinka iyo naaftada laga billaabo sanadka 2040-ka, waxaana arintan ay qayb ka tahay dedaalada lagula tacaalayo wasakheynta hawada.

Wasiirada ay arrintan khuseyso ayaa lagu wadaa in ay 255 milyan oo geniga istarliinka ah u qoondeeyaan sidii wax looga qaban lahaa qaaca baabuurta naaftada ku shaqeeya. Lacagtan ayaa qeyb ka ah saddex bilyan oo geniga istarliinka ah oo loo qorsheeyay in wax looga qabto wasakheynta hawada.

 

Dowladda Britain ayaa la filayaa in ay dhawaan shaaciso qorshaheeda la tacaalidda wasakheynta hawada, taa oo u janjeerta dhanka isticmaalka baabuurta korontada ku sahqeeya ka hor inta aysan dhammaan muddada kama dambeysta ah ee ay maxkamadda sare u qabatay in ay qorshahaasi ku soo bandhigto.

 

kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in tallaabadani ay dowladda qaadeyso ay tahay mid wanaasgan oo muujineysa mustaqbal wanaagsan balse wali loo baahan yahay in wax badan laga ogaado qorshahani.

 

Kaddib muran dheer oo dhanka sharciga ah ayaa dowladda lagu khasbay in ay la timaado qorshe ay wax uga qabaneyso heerka qiiqa sunta ah ee gawaaridu ay hawada ku sii daayaan, waxaana garsoore maxkamadeed uu qaatay aragtida hawlwadeenada dhanka deegaanka oo ku doodayay in qorshaha hadda jira ee dowladda uusan ahayn mid gaarsiisan heerka Midowga Yurub uu ku xakameeyo wasakheynta hawada.

Wasiirada ay arrintan khuseyso ayaa ka cabsanayay in loo arko in ay ciqaabayaan darawaliinta baabuurta ku shaqeeya naaftada, kuwaasi oo ay sheegeen in ay baabuurtaasi iibsadeen kaddib amrkii dowladda ay ku dhiirigelisay oo ay sheegtay in uu yaryahay qiiqa kaarboonka ee ka baxaya baabuurtani.

 

Ururka ay ku midoobeen shirkadaha baabuurta sameeya iyo kuwa ka ganacsada ayaa sheegaya in ay muhiim tahay in laga baaqsado in gebi ahaanba la mamnuuco baabuurta ku shaqeeya naaftada, arrintaa oo ay sheegeen haddi lagu dhaqaaqo in ay waxyeelo weyn u geysanayso wax soo saarka shirkadahani.

Go’aanka dowladda UK ayaa ku soo beegmayo xilli ay jiraan astaamo muujinaya in dadku ay baabuurta naaftada iyo baasiinka ku shaqeeya ka doorbidayaan baabuurta korontada ku sahqeeya.

 

Haseyeeshee kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in go’aankani uu yahay mid dowladda ay dadka uga jaheyneyso guuldarrooyinkeeda ku aadan wax ka qabashada wasakheynta hawada iyo siyaasadaheeda ku wajahan arrintaasi.

Hawada wasakheysan ayaa loo aaneynayaa geerida qiyaastii 40,000 oo qof sanadkii dalka Britain oo kaliya, waxaana afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay in hawada wasakheysan ay tahay halista koowaad ee dhanka caafiamadka ee wajahaysa dadka reer UK.

 

Xigasho BBC

Comments are closed