|

Mid ka mida wiilashii uu dhalay Col Qadafi oo Raali-gelin siisay shacabka Libiya

Tripoli Mar 29,2014(SDN)-Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Libiya Col Qadaafi oo la yidhaahdo Saadi ayaa xabsiga kiyoo ku jira fariin u diray shacabka Dalkaasi

Saadi oo u baxsaday dalka Libiya ay jaarka yihiin kolkii kacdoon xilka looga tuuray aabihii sanadii 2011kii ayaa waxa uu u baxsaday dalka Niger.

Dawlada KMG ah ee dalkaasi ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay ku qanciso dawlada Niger in ay gacanta u geliso wiilka uu dhalay Col Qadaafi.

“Waxaan raali gelin ka siinayaa shacabka Libiya falalkii khalkhal geliyay dalkamsidoo kalena waxaan farayaa dadka weli hubeysani in ay hubka dhigaan”ayuu fariintiisa ku yiri Saadi Qadaafi.

Saadi ayaa fariinta muuqaalka ah ka soo diray gudaha mid ka mida xabsiyada magaalada Tripoli liyoo xiran dharka maxaabiista madaxana loo xiiray.

Saadi Qadaafi ayaa ku can baxay kubada cagta oo uu Italy mudo gaaban ka ciyaaray iyo ku tagri falka hantida Libiya.

SDN-Tripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed