|

Mid Ka Mida Talafishenada Afka Somaaliga Ku Hadla Oo Laga Joojiyay Deegaanada Maamul Goboleedka Jubbaland

Kismaayo,24Aug,2015(QJ/SDN)-Amar kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa lagu mamnuucay in Telefishinka Universal uu ka howlgalo gobollada Jubooyinka, iyadoo amarkani uu si toos ah uga soo baxay wasaraadda warfaafinta Jubbaland.

Tv-ga Universal ayuu maamulku ku eedeeyay in uu baahiyay warar been abuur ah, waxaana amarkani shaqada looga joojinayo telefishinka uu yahay mid kasoo baxay qeybta warfaafinta maamulka Jubbaland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen madax ka tirsan wasaaraddaasi.

Telefishinkta Universal ayaa waxa uu kamid yahay telefishinnada ku hadla af-Soomaaliga ee ka howlgala deegaanada Jubbaland, iyadoo ay wakiillo u joogaan degmoyinka Kismaayo oo ka tirsan J/hoose iyo Doolow oo ka tirsan Gedo.

Maamulka weli wax faahfaahin ah kama soo saarin sababaha ka danbeeyay, shaqo joojinta lagu sameeyay xafisyadii telefishinka Universal ee deegaanada Jubbaland.

 

Comments are closed